Share on FacebookTweet about this on Twitter

Anigu halis ma u ahay qaaxada

Ma in aad ka baqdaabaa in aad qaado cudruka qaaxada? Waxa aanu u sheegi karnaa dadka inta badan eek ku noo Finland: sida badan uma baahnid in aad werwerto. Qaaxadu waa cudur aan aad caan u ahayn Finland. Intabadan dadkuna uma baahna in ay baqaan.
Dadka waqti ay wad noolaayeen qof qaba qaaxada sambabka ayaa ugu jir khatar in ay qaadaan qaaxada. Kooxdaas waxa ka mida dadka isla guri kuwada nool.

Waxa kale oo kordriya khatarta qaadista, masalan:

  • Miyaad ku noolayd wadan ay qaaxadu ku badantay?
  • Qaaxadu mayay ku badantay wadankaaga?
  • Miyaad ku noolay xaaado aad dad badan guri la deganayd?
  • Waa maxay xaalaad caafimaad iyo tan difacaaga jidhku.

Qaybtan wax aad ka heli kartaa macluumaad ku saabsan kooxaha u nugul qaaxada iyo macluumaad ku saabsan qaaxda dadka qaaxootinimo isku dhiiba.

Cudurka qaaxada

Qaaxadu ma anigaa isku gaystay?

Maya.  Kuma xidhna qoloqol, jinsiga, d’ada, xirfada ama qiimahaaga mujtamac, qof kasta oo la kulma bakteriada qaaxada  cudurku wuu u jiran karaa.

Dadka la kulma cudurka qaaxada faafta oo dhami, ma u bukoodaan cudurka qaaxada?

Maya. Tobankiiba hal ka mida dadka waawayn ee la kulmay bakteriada qaaxada ayaa u bukooda curdurka qaaxada. Nus ka mida kuwaas waxa ay yeeshaan calaamadaha qaaxada muddo laba sano gudahood marka ay la kulmeen ka dib. Nuska labaad waxa ay qaaxad u bukoon doonaan qaaxada mar dambe noloshooda.

Caruurta iyo dadka dhalintayari ma si a dhibyar ayay u qaadaan cudurka qaaxada marka loo eego dadka waawayn?

Haa. Caruurta caano nuugga ah iyo caruurta kale ee yaryari waxa daciifa daafacooga jidhka. Haddii ay la kulmaan bakteriada qaaxada si dhaqso ah ayay u bukoon karaan, xanuunkuna waxa uu halis gelin karaa naftooda. Dalinyarada da’doodu u dhaxayso 15-20 sano waxa ay u nugul yihiin in  ay qaadaan cudurka qaaxada.

Sideebay cudurada iyo dawooyinka difaaca jidhka u daciifiyaan oo ay raad ugu yeeshaan qaadintaanka cudurka qaaxada?

Cuduro gaara ama daawooyin wax lagu daaweeyo ayaa daciifin kara difaaca jidhka. Marka qof difaaciisa jidhku uu daciifo, jidhku iskama xakamayn karo bakteriada qaaxada. Haddii bakeriadu ku badato jidhka dhexdiisa, cudurka qaaxadu wuu soo baxayaa. Sababtaas awgeed ayuu fursadda ay u qaadi karaan cudurka kooxdaasi way badantay.

Maxay muhiim u tahay in aan ogaado in aan qabo cudurka HIV?

Sababtu waxa ay tahay in HIVgu  uu daciifiyo difaaca jidhka, dadka la kulmay cudurka qaaxda ilsamarkaasna qaba HIV waxa ay khatar badan  ugu jiraan in ay qaaxadu ku dhacdo maruun cimrigooga.

Cudurka qaaxada ee ku dhaca dadka qaba HIV ma la midyahay qaaxad dadka aanqabin HIV ku dhacda?

Dadka qaba HIV waxa intabadan qaaxadu kaga dhacdaa meelo jidha ah oo aan sambaba ahayn marka loo eego kuwa aan qabin HIV. Hadii cudurka HIV aan la daawayn qofkuna uu gaadho xaalada AIDS, cudurka qaaxadu si dhaqso ah ayaa loo qaadi karaa. Cudurkaasi waxa uu ku faafi karaa jidhka issago noqon kara mi aad u adag.

Miyaa lag baadhaan bukaanada qaba cudurka qaaxada HIV?

Baadhitaan HIV ayaa bukaanasta oo qaba qaaxada loo sameeyaa.

Mudo intee leega aya calaamdaha cudurka qaaxadu ku soo baxayaan lag bilaabo marka qofku la kulmo bakteriada?

Taasi waxa ay ku xidhantay qofka da’diisa, iyada/isaga difaaciisa jidhka iyo caruurta yaryar oo talaalku difaaco. Caruurta ka yar 5 sano oo aan qaadan talaala qaaxada (BCG) waxa ay u bukoon karaan si degdeg ah (xataa ha bil ka dib marka ay la kulmeen bakteriada qaaxada).

Dadka waa wayne ee uu  difaacooga jidhku uu caadiga yaha waxa ay calaamdaha  cuduru ku soo bixi karaan  mudo  ah 6-12 bilood ka  dib marka cudurka lala kulmo.  Bakteriada qaaxadu waxa ay ku jiraysaa jidhka iyado huruda oo aan cudur keenaya ( waxa  loo yaqaanaa xanuun dahsoon)  xanuunku waxa  uu soo bixi kara  mar dambe marka uu difaaca jidhkoodu uu daciifo, oo ka  imman kara da’da  ama xanuun ama daawooyin la qaatay.

Jidha qaybahee ayaa qaaxadu u dhacdaa?

Bageteriada waxa ay sababaysaa caabuq ay gaadhsiiso xubno badan, laakiin waxa ay inta badan ku dhacdaa sambabada.

Nooc aad ugu badhan ee qaaxadu ee qaybaha kale ee jidhka marka laga reebo sambabka waa qaaxada qanjidhada. Qofka qabaa xanuunka qaaxadu waxa u yeelan karaa islamar qaaxada sambabka iyo qaaxada qaybo kale ee jidhka.

Waa maxay claamadaha qaaxadu?

Claamadaha guud ee cudurka   qaaxadu waa, nafsad daro cuntada, miisaanka oo hoos u dhaca, daal, Dhidid badan habeenkii, qadhqadhyo ama xumad. Caruurta qaaxadu waxa ay u muuqankartaa koritaanka oo hooseeya.

Calaamadah gaara ah ee qaaxadu waxa ay ku xidhantay qaybt jidhka ee kolba ku dhacdo. Claamadaha qaaxada sambabku waa qufac jira mudo sedex todobaad iyo ka badan.

Hadii qofku qabo qaaxada qanjidhada, qanjidhadaa caabuqay waxanay yeelanayaan barar iy in ay waynaadaan. Qanjidhada bukoodaa waa kuwa qoorta inta badan, waxa kale oo bukoda kuwa kilinkilooyinka iyo goljilicda, Intabadan qanjidhadu danqasho ma laha hadii ay adagyihiin.  Marka uu xanuunku sii socodo qanjidhku waa casaan waana jilcayaa.  Qanjidhka hadhuu dheecan galo wuu dilaacayaa.