Share on FacebookTweet about this on Twitter

Kooxaha loo filaayo in ay qaaxo qabaan

Cudurka qaaxadu waxa uu ku badanayahay kooxda u nugul xanuunka marka loo eego dadwaynaha goob degan. Kooxahaas u nugul qaaxada waxa loo kalasaraa:

  1. dadka aad ugu nugul in la kulmaan cudurka qaaxada oo qaadaana cudurka.
  2. daka aad u nugul in aay qaadaan cudurka qaaxada hadii ay la kulmaan bakteriadiisa.

Khatarta ay qaaxadu u gudbayso waxa ay u xidhantay qaybta jidhka ee ay ku dhacdo iyo xanuunku si uu u awood badanyahay. Sida uu u eegyahay deegaanku iyo mudada uu qofku la kumay qof buka.

Intabadan qaaxada waxa fidiya dadka qaba qaaxada sambabka oo faafta, sababta oo ah waxa sambabadooda laga helayaa bakteria aad u badan. Marka qofa bukaa qufaco ama hadlo bakteriada ayaa hawad gasha. Markaas hadii dadkale oo la degan ilsa qolkaas ama gurigaas ay jiraan waxa ay la kulmayaan qaaxada. Waxa neefisan karaan bakteriada hawad u jirta deedna cudura aya siidaas ugu gudbaaya. Arintaasi aad ay u suurtagal tahay hady ay goobtaas mudo dheer ku sugnaadaan ama ay intabadan ay joogaan.

Faafida qaaxadu waxa ay noqon kartaa mid lamagafaana hadii qolku yahay mid yar ama dad badani deganyihiin oo aanu lahayna hab hawadu isku bedesho. Dhismayaasha caynkaas ah waxa hawada ku jirta bakteria aad u badan. Masalan faafida cudurku waxa uu waxa u badanyahay goobaha daka bilaa guryaha ah lagu xanaaneeyo, goobahaas oo dad farbadini is garab seexdaan qolyar gudihiis oo hawagediskuna xunyahay marka loo eego guri ay seexdaan lab qof oo keliya oo ah qol caadiya halkaas oo daaqadahana loo furo si joogta ah.

Qaaxad si dhib yar uma faafto. Sedexdii qofba ee cudurka la kulmab hal ayaa cudurka gaadhaa. Tobankii qof ee ah dad waawayn oo uu difaacooga jidhku fiicanyahay oo cudurka la kulmay hal ka mida ayaa u bukooda cudurka qaaxada. Kalabadh ka mid ihina waxa uu cuduku ku soo bixikaraa mudo lab sano ah gudaheeda.

Kooxaha qaar ayaa aad ugu nugul in ay qaadaan cudurka. Xaaldah qaar, cudurada iyo daawooyinka ayaa daciifiya difaaca jidhka oo kordhiay khatarta lagu qaadaayo cudurka. Waxa ka mida : HIV, macaanka, Romatiismka, kelya xanuunka, kansarka dhiiga, kansarka qanjidhada, kansarka sambabada, kansarka madaxa iyo qoorta, xanuunka silicosis oo quruuraxa laga qaado.

Finland kooxaha u nugul qaaxadu waxa ka mida:

  • Dadka xidhiidh dhaw la leh dad qaba xanuun qaaxada ee la kala qaadi karo oo ah kan xaakada lagu cadeeya ee sambabka: waad dadka ku wadanool isla guri oo ah ehelka iyo kuwo kalaba (dad wada shaqeeya, ama saaxiibo) kuwaas oo mudo badan la jooga bukaanka. Caruurta yaryar ee la kulanta cudurka waxa ay khatar wayn ugu jiraan in ay qadaan cudurka qaaxada.
  • Dadka waayeelka ah
  • Daka isticmaala daroogooyinka iyo dadka mujatmac ahaan hooseeya.
  • Dadka ka soogalaytida ah ee ka yimid wadamada qaaxadu ku badantay.
  • Dadka kale ee mudo dheer ama marar badan u joogay (waxbarasho, ama shoqo ama ku noolaa) wadan ay qaaxadu ku badantay.
  • Dadka qaba xaallad, cudur ama daawooyin daciifiya difaaca jidhka, ama maslan HIV.
  • Dadka ka shaqaya daryeelka qaaxada.