Share on FacebookTweet about this on Twitter

Raad-raaca xariirka -maxaa loola jeeda?

Infekshanka qaaxada qarsoon iyo cudurka qaaxada

Qofka infekshanka qabo waxaa jirkiisa ama jirkeeda kujiraa bakteeriyada qaaxada iyadoo aan qofku xanuunsiinaynin. Tani waxaa loo yaqaanaa infekshanka qaaxada ee qarsoon (LTBI ). Bakteeriyadu waa hurdayaan. Qofku ma yeelanaanyo wax calaamado ah, ma xanuunsano, mana u gudbin karo cudurka dadka kale. Tani waxay sii socon kartaa inta qofku nool yahay oo dhan.

Si kastaba ha noqotee, haddii bakteeriyadu noqoto kuwa soo jeeda ama firfircoon waxay bilaabayaan inay jirka kusii bataan, qofka markaas waxaa uu la xanuunsanayaa cudurka qaaxada. Sida caadiga ah qofka isaga ama iyada waxay yeelan doontaa calaamadaha qaaxada. Sidoo kale cudurka wuxuu ku faafi karaa dadka kale. Inyar oo dadka ka mid ah ayaa la xanuunsada marka infekshanka ku dhaco. Tani waxay kuxirantahay nidaamka difaaca jirka iyo da’da shakhsiga. Dadka ay da’doodu ka yar tahay 5 sano jir iyo kuwa difaacooda jirka laciif yahay ayaa inta badan ku xanuunsadaan cudurka qaaxada.

Soo-qaadista

Xaalada ama marxalada qofku infekshanka ku qaadi karo ayaa waxaa loo yaqaanaa soo-qaadis.Cudurka qaaxada wuxuu ku faafaa hawada. Marka qof qaba cudurka qaaxada sambabada ama cunaha qabo oo uu qufaco, hindhiso, hadalo ama heeso, bakteeriyada qaaxada waxaa lagu soo sii daayaa hawada. Qof kasta oo ku dhow (qolka, dhismaha, goobta shaqada, baabuurka, iwm.) Waxay bakteeriyadu ku neefsan karaan sanbabadooda waxayna ku qaadi karaan cudurka.

Qaaxada ayaa si fudud looma gudbin karin.Waxaa Kaliya qaadi karo qayb ka mid ah dadka soo-qaada infekshinka. Dadka ku wada nool hal guri ayaa aad halis ugu jiraan inay qaadan waayo waxay waqti badan guriga dhexdiisa kula qaataan qofka bukaanka ah. Sidoo kale dadka waqti badan la qaato qofka xanuunsan ayaa halis ugu jiraan inay qaadan.

Qaaxada waxaa kaliya lagu gudbin karaa neefsashada. Qaaxadu laguna faafiyo dharka, suxuunta, isasalaamida gacanta, meesha qofka xanuunsan taabtay, ama galmada.

Raad-raaca xariirka -maxaa loola jeeda?

Waa maxay sababta loo sameeyo Raad-raaca xariirka?

Raad-raaca xariirka waa nidaam loo isticmaalo in lagu joojiyo faafinta cudurka qaaxada ee bulshada dhexdeeda.Hawlaha raad-raaca xariirka waxaa xakameeyaa Xeerka Cudurada Faafa ee Finland.

Ujeedada la raad raaca xariirka waa in la helo dadka kale ee qaba cudurk qaaxada iyo kuwa infekshinka qaaxada qaba.

Sidee loo sameeynayaa raad-raaca xariirka?

Badanaa, raad-raaca xiriirka waxaa laga bilaabaa bukaanka laga helay cudurka qaaxada sanbabada.

Waxaa macquul ah in dad kale oo waqti badan la qaatey bukaanka qaba infekshanka qaaxada ama ay qabaan cudurka qaaxada. Shaqaalaha caafimaadka ee isbitaalka ayaa wareysi la yeelan doona bukaanka si loo ogaado dadka ay noqon karaan dadkaas.

Tusaale ahaan

  • xubnaha qoyska iyo dadka kale oo kuwada nool hal guri qof qaba cudurka qaaxada
  • dadka kale iyo kooxaha sida saaxiibada, qaraabada iyo dadka goobta shaqada ama waxbarashada iyo goobo madadaalada la fili karo.

Adigoo siinaya magacyada dadka macquulka ah inay infekshinka qabaan, qofka qaba cudurka qaaxada wuxuu dadka kale ku caawiyaa inay caafimaad helaan. Macluumaadka isaga/iyada uu bixiyo waa mid qarsoodi ah.

Xagee ayaa lagu baarayaa dadka macquulk ah in ay soo-qaadeen waana waa maxay noocyada baaritaanada la sameeynaayo?

Dadka macquulk ah ayaa lala soo xiriirayaa oo waxaaan laga codsanayaa in ay ballan dhigtaan si loo soo baaro.

Baaritaanka dadka waaweyn waxaa badanaa lagu qabtaa xarun caafimaadka.Carruurta da’doodu ka yar tahay da’da iskuulka waxaa lagu baarayaa isbitaalka.

Tests always include a chest x-ray and sometimes a blood test (IGRA, B-TbINFNg).

Haddii uu qofku qabo calaamadaha cudurka qaaxada (TB), baaritaanno dheeri ah ayaa si degdeg ah loogu samayn doonaaayaa.

Dhammaan dadka macquulka ah in ay soo qaadeen ayaa waxaa lla siinayaa macluumaad ku saabsan qaaxada.

Maxaa dhacaya haddii cudurka qaaxada ama cudurka qaaxada laga helo?

Haddii cudurka qaaxada laga helo, daawada cudurka qaaxada ayaa la bilaabi doonaa. Halkan ka akhri wax dheeraad ah oo ku saabsan daaweynta cudurka qaaxada.

Qaar ka mid ah dadka qaba infakshanka qaaxada qarsoon ayaa waxaa la siin karaa koorsada daaweynta ka hortagga ah. Go’aanka waxaa sameeya dhakhtarka.

Waa maxay daaweynta cudurka qaaxada qarsoon?

Daaweynta infekshanka qaaxada qarsoon waxaa uu ka laga hortagi karaa soo kobcida cudurka qaaxada oo dadka infekshanka ku dhaca.Qofka waxaa lagu daaweeyaa 1-2 daawo oo Qaaxao (Tiibisho) ah. Daaweyntu waxay caadi ahaan qaadataa 3 bilood (laba dawo) ama 6 bilood (hal dawo).

Go’aanka isdaaweynta waxay ku xiran tahay tixgelinta iyo qiimeynta halista shakhsiga (khatarta shakhsiyeed ee qofka uu ku yeelan karo saameynaha daawooyinka tiibayda). Daawooyin ayaa la siiyaa iyada oo la isweeydiinayo in qofkaas lagu kalsoon yahay inuu qato. Daaweynta waa mid ikhtiyaari ah oo bilaash ah. Daaweynta waxaa laga bilaabaa laguna kormeera isbitaalka.

Yaa u baahan baaritaanka dabagalka?

Qaar ka mid ah dadka macquulka ah inay soo qaadeen waxay u baahan doonaan baaritaano dabagal ah 1-2 sano.

Waa maxay kharashka baadhitaanka?

Sida ku xusan Xeerka Cudurrada Faafa ee Finland, dhammaan baaritaanada iyo daaweynta soo-qaadista qaaxada waa u bilaash dadka soo-qaadey.

Waxa loo baahan yahay inaad weli sii xasuusnaatid?

Taageeradaada sii qofka qaaxada uu la xanuunsan yahay inta uu daawada qaadanaayo. Cudurka qaaxadu ma ahan qof qaladkiisa.

Waa muhiim inaad xasuusnaato in macquul u tahay in aad qaaxo soo qaadey. Mustaqbalka, u sheeg xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka kuwasoo ku daaweynaya. Waxaa suuragal ah inaad qaaxo ku xanuunsatid tobban sano ka di marka aad soo qaadey. Bax oo dhakhtar lakulan haddii aad leedahay mid ka mid ah calaamadaha soo socda:

  • qufac ilaa iyomuddo saddex toddobaad ah ku haanaayo, xaako qufacida
  • qandho dhexdhexaad ah ama qandho aan la ogaan karin
  • lumitaanka rabitaanka ama hamiga cuntada iyo miisaan hoos dhicida adigoo cunnaddaada ilaalinaynin
  • daal aan caadi ahayn
  • dhidid habeenkii oo aan caadi ahayn