Share on FacebookTweet about this on Twitter

Adeega caafimaad

Haddii aad a shakidid in aad qabto xanuunka qaaxada fadlan la xidhiidh

  • goob caafimaad ama xarun caafimaad degaanka aad ku nooshahay
  • adeegyada caafimaadka shaqaalaha
  • goobta caafimaadka deagaanka aad ku nooshahay ama goobaha caafimaadka ardayda (Arday)
  • kalkaaliyaha caafimaad ee xanrunta lagu qaabilo ( dadka codsanya qaxootinmada)

Goobta caafimaaku/xaruntu waxa ay ku siini ballan aad kula kulanto kalkaaliye caafimaad ama dhakhtar muddo 1-2 casho gudahood ama talo waxa aad yeeleyso.

Qiimaynta xanuunka qaaxadu waxa la bilaabi tiiyo lagu waydiinayo calaamdaha aad ka cabanayso iyo haddii aad xanuuno kale aad ka cabanayso. Waxa kale oo lagu waydiin haddii hore lagaaga daaweeyay cudurka qaaxada iyo haddii aad la deganayd cid qabta xanuunka qaaxada: Sida qoyska dhexdiisa ama halka aad ku nooshahay, goobta aad ka shaqayso ama dugisga ama wadankaad u dhalatay iyo sua’aalo kale.

Haddii laga shakiyo cudurka qaaxada, sawirka x-ray ee laabta ayaa markasta la qaadaa iyo saambal xaakada ah (oo lagu baadho maykroskoobka iyo beeritaanka xaakada).

Intaas waxa ku dheeraada dhakhtarka oo sameeya baadhitaanka jidhka ah.

Baadhitaanka qaaxada ee loo sameeyo dadka waawayn waxa ay ka dhacdaa xarunta caafimaadka. Waxa ay ku xidhantahay xaaladda caafimaad ee bukaanka.

Haddii cudurka qaaxadu la cadeeyo ama aad looga shakisanyahay, waxa sida ugu dhakhsaha badan laguugu diri isbitaalka si aad u hesho badhitaan dheeraada iyo daawaynta. Haddii ay suurtagal noqoto in aad qabto cudurka qaaxada, kaas oo u gudbi kara dadka kale, waxa lagama maarmaan ah in meel lagaaga helo isbitaalka si deg dega (muddo dawr casho ah gudahood). Haddii kale waxa ay qaadan kartaa muddo a dheer inta meel lagaaga helaayo isbitaalka.

Isbitaalka, kolka hore waxa lagu dhigi qolka takoorka, si aanad cudurka ugu gudbin dadka kale. Badhitaano iyo shaybaadho dheeraada ayaa laguugu samayn doonaa isbitaalka, waxa aanay ku xidhan tahay kolba xaaladdu siday tahay.

Daawaynta qaaxada waxa lagu bilaabaa isbtaalka waxana lagu sii wadi doonaa guriga. Daawada qaaxada waxa markasta uu qofku ku hor qaataa, tiiyoo uu arkaayo qof ah xirfadle caafimaad.. Inkasta oo ay xarunta caafimaadku u diyaariso daawada bukaanka, dhahtarka ayaa mas’ul ka ah daawayntaada, go’aankana leh muddada daawadu kuu socoto. Kulamo lagu daba soconaayo bukaanka ayaa ka dhicidoona bukaan-socodka qiyaastii bishiiba ha mar.

In la caddeey cudurka qaaxada ee carruurta waxa ay u bahantahay xirfad gaara. Mar haddii uu ilmuhu qaado cudurka qaaxada, iyada/isaga xaladdooda ayaa ka sii dari karta si dhaqso ah. Sidaas darteed badhitaanka loo samaynaayo caruurta da’doodu ka hoosayso 16 sano waxa lagu baadhayaa qaybta caruurta ee isbitaalka.

Baadhitaanka cudurka qaaxada iyo daawaynteeduba lacag la’aan ayay u tahay qof kasta oo laga helo cudurka qaaxada. Waxa aad ka heli taageero iyo macluumaad ku saabsan daawayntaada shaqaalaha ku daawaynaaya. Xirfadlaha sooshiyalka ee isbitaalka ayaa ku siin kara macluumaad dhinaca xaquuqda sooshiyalka.

Qiimaynta caafimaad ee asaasiga ah

  1. taariikhdaada caafimaad oo ah waraysi
  2. badhitaanka jidhka oo dhakhtarku sameeyo
  3. sawirka feedhaha ee raajatada
  4. badhitaanka xaakada ee mikaroskoopka iyo beeritaanka xaakada.

Badhitaan caafimaad oo dheeraada (haddii loo baahdo)

  • badhitaanka dhiigga
  • qalabka bronkoscobi oo
  • dhuunaha sambaka lagu eego ama lagu fiiriyo
  • badhitaanka sare ee qalabka CT scan sambabada iyo qalabka MRI (magnetic resonance imaging ).
  • badhitaan gaara oo xaakada lagu sameeyo.