Share on FacebookTweet about this on Twitter

Dhibaatada daawada qaaxada

Dawooyinka qaaxadu waxa ay leeyihiin dhibaatooyin. Hadi aad la kulanto calaamado ku werer geliya, u sheeg waxaa aad isku aragtay kalaaliyaha ama dhakhtarka.

Intabadan dhibaatooyinka daawadu waa shahal waanay iska dhamaadaan marka qaadashada daawada la sii wado ama waxa jira siyaabo loo dhibyareeyo. Marka la qiyaaso boqolkiiba, tobankii qofba hal qof oo ka mida ayaa lagu arkaa dhibaato daawadu u keentay. Xaladaas oo kale daaawad waa la hakin karaa.

Isticmaalka isla mar lawadqaadanaayo daawada qaaxada iyo daawooyin klae waa in lala socodiiyo dhakhtarka. Sidaas darteed waxa muhiima in dakhtarku ogyahay dhamaan daawooyinka aad qaadanayso (daawooyinka xanuuka macaanka, daawooyinka ka hortaga xinjiroowga dhiiga, daawooyinka ka hortaga dhalmada iwm).

Dhibaatoyinka sahalan waa faraban yihiin waan ku wererinayaan, laakiin ma joojinayaan sii wadida daawada. U sheeg claamadaha qofka ka masu’uulka ah daawayntaada si ay isugu dayaan in ay xal u helaan sidii loo sahlilahaa. Dhibaatooyina sahlani waa sidan:

  • Kaadida, candhuufta, iyo ilmada oo midabkoodu noqdo basli, wax keena daawada rifampicin. Waxa kale oo is bedela muraadayd in dhaha ee gudaha isha la geliyo, sidaas darteed laguuma ogola in aad xidhato marka aad qaadanayso daawada rifampicin.
  • Casaan iyo is-cuncun jidhka ah hadii qoraxdu ku dhacdo. Qayb ka mida daawada qaaxada ayaa ay jidhka ka dhiga in uu ku nuglaado qoraxda. Dhakhtarkaaga ayaa kugula talin in aad is ticmaasho lootion jidhka ka ilaaliya qoraxda ama aad xidhato dhar kaa ilaaliya qoraxda.
  • Lalabo, shuban iyo nafsada cuntada oo lunta dhibaatooyin caadiya oo daawadu keento, intabadan way iska dhamaadaan dhawr todobaad ka dib marka ay daawada qaaxadu sii socotoba. Lalabo xooga oo is-daba-joogta hadii ay jirto waxa lagu daawayn karaa daawoyin.
  • Xanuun sahlan oo qaybta sare ee caloosha qabtana waxa lagu daawayn karaa daawoyin.
  • Garaac sahal ah oo xubanaha qaban kara waxa lagu daawaynayaa xanuun biiye, iyo jimicsi.
  • Madax xanuun sahalan waxa lagu daawayn kara xanuun biiye.
  • Hurdo la’aan, isku-buuq (Buufis). Waxa lagu daawayn karaa daawooyin.

Dhibaatooyinka aad u adag ma badna laakiin waa la arkaa, daawada la qaadanaayo ayaa keenaya markaa waa in la hakiyaa ugu yaraa si ku meel gaadha. La xidhiidh si dhakhso ah qofka masu’uulka ka ah daawayntaada hadii aa isku aragtid qaar ka mida claamadahan:

  • Matag iyo xaanuun caloosha ah
  • Midabka jidha, ama qaybta cad indhaha oo noqota hurdi. Calaamadahaasi waxaa dhici karta in uu yahay joonis ay sababtay daawada qaaxada. Mudada daawadu socoto shaybaadhka dhiigaga beerka ayaa si joogto ah loo baadhaa.
  • Xumad iyo iyo jidha oo laga soo yaaco waa calaamado tilmamaaya xasaasiyad adag oo daawadu keentay.
  • Xanuun ba’an oo xubnaha lafaha iyo muruqyada ah oo xayira dhaqdhaqaaqa.
  • Dawakhaad
  • Guux dhegaah ah ama maqalka oo dhaciifa
  • Kaadida oo yaraata, midabka kaadida oo madoow noqda.
  • Argatidan oo xumaata
  • Suuxdin
  • Codadka ama waxaan jirin oo uu qofku sheego in uu arkaayo.
  • Dareen in uu qofu is dilo, dabaca oo isbedela.
  • Dhiigbax ka yimaada cadka hoose ee afka ama sanka.

Dhibaatada daawada qaaxada wa laga hortegi karaa ilaa xad. Masalan: daawada-isoniazid intabadan waxa ay keentaa nerfayaasha gacmaha iyo lugaha oo dareenku yaraado. Dhitadaas waxa laga hortegi karaa vitamin B6.

Isticmaalka khamriga waqtiga daawynta lagu jiroo waxa ay kordhinaysaa khatart joonis lagu qaadi karo. Sababtaas awgeed waxa muhiim ah in aanad khamri isticmaalin haba yaraatee mudada daawadu socoto.