Claamadaha qaaxada

Calaamadda Cudurka qaaxadu way kala duwanaan karaan.

Calaamadaha ugu badan waa qufac haya muddo saddex todobaad ka badan (oo leh xaako ka soo go’aysa sambabada). Qofka bukaa waxa uu yeelan karaa xummad, miisanka oo hoos u dhaca, dhidid badan oo habeenkii ah. Qofku waxa u dareemi kara daal, nafsad xumo xagga cuntada. Wuxu yeelan karaa calaamado kale oo ku xidhan kolba xubinta  uu cudurku hayo.

Calaamadaha qaaxadu inta badan waxa ay ku bilaabmaan aayar aayar. Bilowga calaamaduhu inta badan waa sahal aadna uma cadda. Waxa dhici karta in aanu qofku lahayn waxa calaamado ah haba yaraatee. Sida kale carruurta yaryari waxa ay u bukoon karaan si aad u adag oo deg deg ah.

Calaamaduhu waxa ay noqon karaan calaamado cudur kale. Baadhitaanka ayaa cadaynaaya haddii ay qaaxadu tahay sababta. Qofka leh hal ama in ka badan oo calaamadahan ah waa inuu u tago dhakhtar.