Daawaynta Qaaxada

poika

Qaaxada waxa lagu daaweeyaa daawada Antibiootiga.

Qaaxada waxa markasta lagu daaweeyaa iskudar ka kooban dhawr daawo. Daawaynta qaaxadu waxa ay socotaa ugu yaraan lix bilood. Waxa ay socon kartaa muddo ka badan, haddii cudurka qaaxada uu ba’nyahay. Khatarta in la iskugu gudbiyo cudurka ayaa dhaqso hoos ugu dhacda haddii daawaynta la bilaabo.

Waxa muhiima in la dhawro talooyinka qofka la siiyo oo aad loogu dadaalo si loo bogsado. Daawada waa in loo qaato si joogta ah. Haddii qof qaba xanuunka qaaxadu uu joojiyo qaadashada daawada kolkaaba mar labaad ayuu bukoon karaa, jeermiga qaaxadu waxu adkaysi u yeelan karaa daawada. Waxay natiijadu noqonaysaa in ay adkaato in cudurka la daaweeyo.

Haddii bukaanku uu qabo qaaxada adkaysiga u leh daawooyinka, daawaynta waxa lagu bilaabayaa ugu yaraan shan daawo. Daawaynta qaaxada adkaysiga u leh waxa inta badan ay qaadataa laba sano.

Haddii uu qofku faafinayo qaaxda, waxa lagu daaweeyaa qol gaara oo lagu takooro xaaladaha. Takoorku waxu ka hortag u yahay in aan qaaxadu u gudbin bukaanada kale iyo shaqaalaha isbitaalka. Sababtaas aawadeed ayaa qofku uu kelidii ku jirayaa qolka, waxaana la xaddiday dhaqdhaqaaqa bukaanka ee cisbitaalka.
Macluumaadka dheeraada ka akhri takoorida.