Share on FacebookTweet about this on Twitter

Su’aalo

Waa maxay qaaxadu (1)


Waa maxay qaaxadu

Waa maxay qaaxadu?

Qaaxadu waa cudur ay sababto bakteriada Mycobacterium tuberculosis.

Fafida qaaxada (9)

Fafida qaaxada

Sideebay qaaxadu u faaftaa?

Qaaxadu waxa ay u faaftaa qof ilaa qof kale iyadoo hawada raacaysa. Bagteriada qaaxada wax ay gashaa hawada marka qofka qaba qaaxada sambabka uu hadlo, qufaco, hindhiso ama uu heeso. Dadka kale ee qolka kula jira waxa soo gaadhaysa bakteriada sambabadooda marka ay neefsadaan hawada deedna cudurka ayay la kulmayaan. Xubnaha qoyska ee meel kuwada nool ayaa ayaa intabadan cudurka qaada.

Curdurka ma qaadayaa hadii aan nadiifiyo guriga bukaan isbitaalka loo dhigay qaaxada?

Qaaxada laguma kala qaado weelka waxa lagu wada cuno, cabitaanka, cuntada, dharka iyo taabashada gooba ka mida guriga. Bakteriada qaaxada waxa ay gashaa hawada marka qof qaba qaaxada sambabka uu qufaco, hindiso ama uu heeso. Dadka kale ee kula nool isla goob gudaha ah sida (isla qol ama guri) ayaa bakteriadu u gudbi kartaa sambabkooda, marka ay hawdan neefsadaan ayay qaadayaan cudurka. Marka qofa bukaa ka baxo qolka, bakteriadu weli waxa ay ku sii jirtaa hawada qolka mudo saacado ah. Khaas ahaan meelaha aan hawada loo furin. Hadii qofka bukaa ka baxo qolka saacado badan horteed oo qolkan hawada loo furay khatartu qaaxadu way ka yaraanaysaa qofka  nadiifinaaya qolka.

Miyaa qaadayaa curdurka hadii qofka qaba qaxda, gacan qaado ama aan laabata u qabto?

May. Qaaxadu kuma fido taabashada iyo in jidhku istaabto. Qoraalka sare eeg sidee ayay qaaxadu u faaftaa?

Miyaan qaadayaa cudurka hadii la isticmaalo gaadiidka dadwaynaha qof qaba qaaxada sambabka?

Waxa khatar ah oo in cudura la qaadayo majirto hadii a tahay kulan marmara ama sarfar gaaban mar kelya oo buska ama treenka. Khatartu wax ay badanaysaa hadii aad caadaysatid isla bus ama treen oo aad la raacidid qof buka ama isla dayaarad. Hadii aad isla dayaarad la raacdo qof qaba cudurka, safarkuna qaadanaaya mudo ka badan 8 saacadood ama ka badan ayaa khatartu badantay marka loo eego duulimaadiyada mudadoodu gaabaantay. Maamulka masu’uulka ka ah cudurada faafa cadayn kara dadkaas kuwa ay ahaayeen oo lana xidhiidhi kara.

Bukaanada cudurka qaaxada oo dhami ma faafin karaan cudurka?

Maya, sida la ogyahay waxa qudha ee faafin karaa waa qofka qaba cudura qaaxada sambabka. Qofa bukaa waxa uu si dhibyar u faafin karaa qaaxada hadii isagu/iyadu uu qabo qaaxada qodatada oo sambaba godad u samaayso ama hadii xaakada lag helay bakteriada.

Mayuu qofasta oo la kulmay bukaan qaaxa qaba uu qaada cudurka qaaxada?

Maya. Cudurka qaaxada si dhibyar looma kala qaado, sedexdii qofba hal qof oo ka mida dadka mudo dheer la noolaa ama la degenaa qof qaba cudurka qaaxada  ee la isku gudbin karo  ayaa qaada cudrua qaaxada. Xubanha qoyska meel kuwada nool ay ah kuwa khatarta ugu badan ugu kujira inay qaadaan. Qayb ka mida dadka la kulmay cudurka qaaxada ayuun baa uu ku dhici karaa.

Majiraa baadhitaan lagu cadayn karo in qaaxada aad qaaday.

Majiro baadhitaan fiican oo qudha si loo ogaado in qofku la kulmay bakteriada qaaxada. Laba baadhitaan ayaa la isticmaalaa oo jidhka lagu mudo (Mantoux Tuberculin oo jidhka lagu tijaabiyo TST) iyo Baadhitaanka dhiiga (IGRA). Badhitaanadan waxa la isticmaalaa kolba sida talada heer qaran ay tilmaamayso.

La kulanka bakteriada qaaxada ma la daawaynkaraa?

Haa. Waa suurtagal in la daawaeeyo qofka la kulma bakteriada qaaxada. Finland waxa daawooyin la siiyaa dadka bakteriada qaaxada la kulmay oo la noolaad dad qaba cudurka qaaxada kuwaas oo da’doodu ay yartay 16 sanadood. Daawada waxa kale oo la siin karaa qaar ka mida dadka waawayn tiiyo ku xidhan kolba talooyinka haya’da caafimaadka.

Cudurka qaaxada (11)

Cudurka qaaxada

Qaaxadu ma anigaa isku gaystay?

Maya.  Kuma xidhna qoloqol, jinsiga, d’ada, xirfada ama qiimahaaga mujtamac, qof kasta oo la kulma bakteriada qaaxada  cudurku wuu u jiran karaa.

Dadka la kulma cudurka qaaxada faafta oo dhami, ma u bukoodaan cudurka qaaxada?

Maya. Tobankiiba hal ka mida dadka waawayn ee la kulmay bakteriada qaaxada ayaa u bukooda curdurka qaaxada. Nus ka mida kuwaas waxa ay yeeshaan calaamadaha qaaxada muddo laba sano gudahood marka ay la kulmeen ka dib. Nuska labaad waxa ay qaaxad u bukoon doonaan qaaxada mar dambe noloshooda.

Caruurta iyo dadka dhalintayari ma si a dhibyar ayay u qaadaan cudurka qaaxada marka loo eego dadka waawayn?

Haa. Caruurta caano nuugga ah iyo caruurta kale ee yaryari waxa daciifa daafacooga jidhka. Haddii ay la kulmaan bakteriada qaaxada si dhaqso ah ayay u bukoon karaan, xanuunkuna waxa uu halis gelin karaa naftooda. Dalinyarada da’doodu u dhaxayso 15-20 sano waxa ay u nugul yihiin in  ay qaadaan cudurka qaaxada.

Sideebay cudurada iyo dawooyinka difaaca jidhka u daciifiyaan oo ay raad ugu yeeshaan qaadintaanka cudurka qaaxada?

Cuduro gaara ama daawooyin wax lagu daaweeyo ayaa daciifin kara difaaca jidhka. Marka qof difaaciisa jidhku uu daciifo, jidhku iskama xakamayn karo bakteriada qaaxada. Haddii bakeriadu ku badato jidhka dhexdiisa, cudurka qaaxadu wuu soo baxayaa. Sababtaas awgeed ayuu fursadda ay u qaadi karaan cudurka kooxdaasi way badantay.

Maxay muhiim u tahay in aan ogaado in aan qabo cudurka HIV?

Sababtu waxa ay tahay in HIVgu  uu daciifiyo difaaca jidhka, dadka la kulmay cudurka qaaxda ilsamarkaasna qaba HIV waxa ay khatar badan  ugu jiraan in ay qaaxadu ku dhacdo maruun cimrigooga.

Cudurka qaaxada ee ku dhaca dadka qaba HIV ma la midyahay qaaxad dadka aanqabin HIV ku dhacda?

Dadka qaba HIV waxa intabadan qaaxadu kaga dhacdaa meelo jidha ah oo aan sambaba ahayn marka loo eego kuwa aan qabin HIV. Hadii cudurka HIV aan la daawayn qofkuna uu gaadho xaalada AIDS, cudurka qaaxadu si dhaqso ah ayaa loo qaadi karaa. Cudurkaasi waxa uu ku faafi karaa jidhka issago noqon kara mi aad u adag.

Miyaa lag baadhaan bukaanada qaba cudurka qaaxada HIV?

Baadhitaan HIV ayaa bukaanasta oo qaba qaaxada loo sameeyaa.

Mudo intee leega aya calaamdaha cudurka qaaxadu ku soo baxayaan lag bilaabo marka qofku la kulmo bakteriada?

Taasi waxa ay ku xidhantay qofka da’diisa, iyada/isaga difaaciisa jidhka iyo caruurta yaryar oo talaalku difaaco. Caruurta ka yar 5 sano oo aan qaadan talaala qaaxada (BCG) waxa ay u bukoon karaan si degdeg ah (xataa ha bil ka dib marka ay la kulmeen bakteriada qaaxada).

Dadka waa wayne ee uu  difaacooga jidhku uu caadiga yaha waxa ay calaamdaha  cuduru ku soo bixi karaan  mudo  ah 6-12 bilood ka  dib marka cudurka lala kulmo.  Bakteriada qaaxadu waxa ay ku jiraysaa jidhka iyado huruda oo aan cudur keenaya ( waxa  loo yaqaanaa xanuun dahsoon)  xanuunku waxa  uu soo bixi kara  mar dambe marka uu difaaca jidhkoodu uu daciifo, oo ka  imman kara da’da  ama xanuun ama daawooyin la qaatay.

Jidha qaybahee ayaa qaaxadu u dhacdaa?

Bageteriada waxa ay sababaysaa caabuq ay gaadhsiiso xubno badan, laakiin waxa ay inta badan ku dhacdaa sambabada.

Nooc aad ugu badhan ee qaaxadu ee qaybaha kale ee jidhka marka laga reebo sambabka waa qaaxada qanjidhada. Qofka qabaa xanuunka qaaxadu waxa u yeelan karaa islamar qaaxada sambabka iyo qaaxada qaybo kale ee jidhka.

Waa maxay claamadaha qaaxadu?

Claamadaha guud ee cudurka   qaaxadu waa, nafsad daro cuntada, miisaanka oo hoos u dhaca, daal, Dhidid badan habeenkii, qadhqadhyo ama xumad. Caruurta qaaxadu waxa ay u muuqankartaa koritaanka oo hooseeya.

Calaamadah gaara ah ee qaaxadu waxa ay ku xidhantay qaybt jidhka ee kolba ku dhacdo. Claamadaha qaaxada sambabku waa qufac jira mudo sedex todobaad iyo ka badan.

Hadii qofku qabo qaaxada qanjidhada, qanjidhadaa caabuqay waxanay yeelanayaan barar iy in ay waynaadaan. Qanjidhada bukoodaa waa kuwa qoorta inta badan, waxa kale oo bukoda kuwa kilinkilooyinka iyo goljilicda, Intabadan qanjidhadu danqasho ma laha hadii ay adagyihiin.  Marka uu xanuunku sii socodo qanjidhku waa casaan waana jilcayaa.  Qanjidhka hadhuu dheecan galo wuu dilaacayaa.

Cadynta cudurka qaaxada (2)

Cadynta cudurka qaaxada

Sideebaa loo cadyn karaa cudurka qaaxada?

Qaaxada sambabada waxa inta badan lagu helikaraa sawirka x-ray ee laabta waxana in cudurku jiro lagu go’aamin karaa baadhitaanka qaaxada. Waxa la isticmaala hab gaara oo lagu diyaariyo tiiyo la midabaynaayo xaakada, Miariscoopka waxa lagu arki karaa bakteriada qaaxada.  Hadii qaaxadu lagu beero meel way cadynkartaa cudurka. Waqtiyada qaarkood waxa loo baahdaa in la sameeyo bronscopy oo ah qalab duumaha sambab iyo qalabka CT scan ee sambabada.

Ilmaha yari xaakada wuu liqaa markaas lagama qaadi karo shaybadhka xaakada sida dada waawayn. Sidaas aawadeed habka midabaynta qaaxada iyo abuurka xaakada waxa loo isticmaalaa dhecaanka caloosha oo la soo qaado.  Badhitaankan wuxuu ka dhacaa isbitaalka.

Baadhitaano kala duwan oo qalabka waxa lugu baadho ah ayaa lagu isticmaalaa baadhitaanka qaaxada ee xubnah kale marka sambabka laga reebo.waxa kale oo la qaadaa cadadka jidhka iyo dheecaamada meelaha jidhka ee cudurku ka hayo qofka oo laga qaado deedna la baadho.

Bukaanka halkee lagu baadhaa?

Goobta baadhitaanku waxa ay ku xidhantay xaalada iyo calaamadaha bukaanka. Sawirka x-rayga laabtu waxa lagu saarikaraa qofka goobta caafimaadka asaasiga ah sida goob caafimaad.  Xaakada waxa qofka lagaga soo qaadikaraa guriga sedex arroorood oo isku xiga.

Go’aanka cadaynta cudurka iyo daawayntuba waxa ay ka dhacaysaa isbitaalka, qaybta u gaarka ah takhasuskaas. Caruurta ka yar 16 sano waxa lagu baadhaa qaybta caruurta iy waadhka caruurta. Dadka waawayn waxa lagu baadhaa qaybo kala duwan kolba calaamadahoodu sida ay yihiin. Masalan hadii qaaxada sambabka lagaaga shakiyo baadhitaanku wax uu ka dhacayaa bukaan socodka ama waadhka cudurada feedhaha. Hadii laga shakiyo qaaxad qanjidhada waxa qofka baadhaya  dakhtarka takhasuska dhegaha.

Daawaynta cudurka qaaxada (12)

Daawaynta cudurka qaaxada

Sideebaa loo daweeyaa cudurka qaaxada?

Cudurka qaaxada markasta kolka u horaysa waxa lagu daaweeya afar daawo uu iskujira oo kiniin ah, afar dawona ka kooban. Daawooyinka aasaasig ah ee qaaxadu waa: rifampicin, pyrazinamide, ethambutol, iyo streptomycine. Kan ugu dambeeyaa waa daawo ah (antibiotic) qofka muruqa laga mudo.

Qiyaasta daawada loo qaadanaayo waxa loo qoraa tiiyo qiyaasta dawada lagu xadidaayo kolba miisaanka qofka.   Daawada qaaxada waa in loo qaataa si joogto ah maalinkasta lana liqaa tiiyo calooshu madhantay.  Waan sababtaas aya Finland gudaheed uu qof xirfadle caafimaad ahi  uu qofka ula joogaa marka uu liqaayo daawada. Isla markaas shaqaluhu waxa ay hubinayaan in bukaanku uu liqo qiyaas kasta oo daawada ah lana socdaan hadii ay jirto dhibaato daawdu u keentay. Qofkasta oo qaada cudurka qaaxadu waxa uu xaq u leeyay in lala socdo marka uu daawada qaadanaayo. Hadii bukaanku uu hakiyo daawada ama jojiyo qadashada daawada markaas taas waxa ay u horseedaysaa in bakteriadu yeelato adkaysi aan daawadu Karin.

Daawayanta qaaxada caadiga ah ee u nugul daawooyinka qaaxada ee asaasiga ah waxa ay qaadataa lix bilood. Daawayntu waxa ay qaadankartaa mudo dheer hadii cudurku uu culusyahay. Xaaladaha caadiga ah 4 daawo ayaa la isticmaalaa labad bilood ee ugu horeeya dabadeedna laba daawo.

Waa maxay qiimaha daawaynta qaaxadu?

Qaaxad intabadan waa cudur faafa oo dhibaato badan.  Sida ay tilmaamayso xeerka cudurada faafa daawaynta qaaxada iyo baadhitaanka qaaxadu marka la tuhmo qaaxadu waxa ay u tahay bukaanka  lacag la’aan Finland.

Qaaxada ma la daawayn karaa?

Cudurka qaaxada waa laga bogsankaraa hadii la isticmaalo daawada casiriga ah oo hore loo bilaabo.

Waxa aad u adag in la daaweeyo qaaxada daawada adkaysiga u leh. Sedexdii qofba laba qof  oo qaba qaaxada daawadu any karin ayaa ka bogsada  marka ay qaataandaawada mudo laba sano ah.

Cudurka qaaxada ma keeni karaa naafo joogta ah oo uu jidhka gaadhsiiyo?

Bukaanadu inta badan cudurka si buuxda aya uga bogsani. Hadii bilowga daawadu uu dib u dhacdo oo qaaxaduna ay daawac wayne gaadhsiiyo sambabka oo keenta in aan jidku wada bogsan. Marmar waxa muhiima in la sameeyo qaliin si loo gaadho bogsiimada xaanuun adage e qaaxada.

Anigu ma caawin karaa in ka bogsado qaaxda?

Haa waad kartaa. Raac talada ay ku siiyaan dhakhaatiirtaadu iyo kalaaliyayaashu. Qaybtaad ka qaado dawaayntaada sida tooska ah loo ilaalinaayo qaadashadeeda.

Ma u dadaalaa is-nafaqaynta mudad aan daawada qaaxada qaadanaayo?

Haa. Waa muhiim in aad si fiican waxa u cunto si uu jidhkaagu u helo enerjiga. Hadii miisaankaagu hooseeyo oo aad miisaan badan lumiso, khabiirka nafaqada ee isbitaalka ayaa kuu diyaarinkara qorshe cunto oo kuu gaara.

Goorma ayaan bilaabi karaa sbortiga?

Qaaxadu waxa keentaa daal, kaas oo dhamaada marka qofku uu fiicnaado. Bilowga daawada waxa muhiim in la nasto. Lugayska malinkasta oo socod ayaara waa suurtagal isla marka aad dareentid in aad awood kugu filan leeday oo aad bixi karto. Dhakhtarkaaga ayaa talo gaara oo dheraada ku siin doona sida aad u bilaabi karto jimicsiga.

Kalmood ama jimaac ma samayn karaa mudada aan daawada qaaxada qaadanaayso?

Ha waad samayn kartaa. Waxa se muhiima in aad xusuusnaato in bilowga daawada ay dhici arto inaad aad u daalantay oo aanu kalmoodku ku xiisa gelinayn.

Uur ma yeelankaraa mudada aan daawada qaadanaayo?

Waxa lagu talinayaa in la iskajiro in uur la qaado muda daawadu socoto. Daawada qaaxadu wax ay dibaato u keentaa ilmaha uurka ku jira oo dawooyinka qaarkoodna waa khatar waqtiga uurka. Gabadhkasta oo ku jirta da’da ay dhalilahayd oo qabata cudurka qaaxada waa in ay la tashataa dhakhtarka si loogu helo hab looga hortegaayo uurka waqtiga daawadu socoto. Kiniinka lagaga hortago uurka waxa daciifisa daawada qaaxda, markaas kuma kalsoonaan kartid in ay ka hortagto uurka mudada daawadu socoto.

Waa Maxay adkaysiga bagteriadu ku yeelanayso daawada qaaxada?

Daawada qaaxada oo si aan haboonayn ama qlada loo qaato ayaa keenaysa adkaysiga bakteriadu ku yeelanayso daawada. Taasi waxa ay noqon kartaa in daawooyinka hore u ahaa kuwo bakteriad dili kara laga qaatay hal ama laba daawo oo qudha, ama la joojoojay daawad marrar badan. Cudurka keena adgaysiga bakteriada ee daawada waxaba ka tariwayaan daawooyinka caadiga ah ee qaaxadu. Qaaxada adakaysiga daawada lihi waxa ay u faaftaa sida qaaxadan daawda u nuguli u faafto.

Qaaxada adkaysiga u leha daawooyinka tirobada (MDR-TB). Waa nooc qaaxada ka mida oo ay keento bakteria adkaysi u leh isoniazid iyo rifampicin, labada daawo ee ugu xoogabadan ee xeerka 1aad ee dawaynta qaaxada.

Qaaxad adgaysiga xoogan lehi (XDR-TB), waa nooc ah qaaxda adkaysi ule daawooyin badan oo u nugul daawooyin tiryar ee jira, oo ay ku jiraan daawooyinka xeerka 2aad ee qaaxada.

Qaaxada daawooyin tiro badan u adkaysata waxa ay ka jirtaa aduuna oo dhan. Xaladahaas kalabadh waxa laga helaa Hindia, China, dulkii hore ee Soviet Union. Finland waxa jira tiro toban qof ka yar  oo ah xaalado cusub oo adakaysi u leh daawada sanadkiiba.

Sidoo loo daaweeyaa qaaxada adkaysiga daawada u leh?

Hadii bukaanku uu qabo adkaysi dawwoyin badan (MDR) ama adkaysiga xoogan (XDR), isaga/iyada waxa lagu daawayni illa shan ama lix daawo oo la isku daro. Daawayntu wax ay qaadataa ilaa laba sano.

Takoorka (6)

Takoorka

Ma dhacaysaa in qofka la tagooro isaga oo aan raali ka ahayn?

Haa, waa suurtagal tiiyo la tixraacaayo xeera cudurada faafa, go’aan in khasab lagu takooro ayaa la qaadan karaa oo labadii biloodba mar.

Goormaa go’aana khasabka ah la qaadan karaa?

Go’aana khasabka ah ee takoorka waxa  lagu qaadan karaa masalan hadii bukaanku uu qabo qaaxada faafta oo daawadan googooyo.