Qaaxada goobaha waxbarashada

Waxa dhici karta in laguu sheego in uu jiro qof qaba qaaxada samababada oo ku jira goobtaada waxabarasho. Waxa dhici karta in aad ka werwerto cafimaadkaaga oo aad ka fakirto in ay qaaxadii kuu soo gudubtay kana baqdo in aad qaado qaaxada.

Ugu horayn ma jirto sabab aad u baqataa, qaaxada si dhib yar looma kala qaado. In ka yar seddex meeloodkiiba meel ka mida, ee la kulmay qof qaba qaaxada ayaa jeermiga qaaxadu u gudbaa. Muhiimada la kulanka qaaxadu waxa ay ku xidhan tahay nooca uu yahay cudurka qaaxadu, muddada uu qaaxada la kulmay int ay le’eg tahay, sida kulanku u dhacayю Halkan guji si aad u akhrido: Raadinta qofka la kulmay qof qaba cudurka qaaxada- Waa maxay micnaheedu?

Haddii kulanku ka dhaco goob dadban, xaladaas oo kale khatarta uu ku gudbaayo cudurku inta badan aad ayay u hoosaysaa. Aad ayaanay uga yartay marka loo eego dadka ku wada nool isla guri.

Tan labaad tobankii qof ee ah dad waawayn oo la kulmay qaaxada (oo difaaca jidhku caadi yahay) hal qof ayaa qaada oo u bukooda cudurka qaaxada. Khatarta in la kulanka qaaxadu isu bedesho cudur uu qofku u bukoodo, waxa uu ugu badan yahay dhawrka sanadood ee ugu horeeya, ka dhib marka qofku la kulmo qaaxada, laakiin waxa aya qaadan kartaa tobanaan sanadood in qofk u soo dhaco qaaxada. Waxa khatar badan ku jira in ay cudurka qaadaan, ardayda, dallinyarada, Dhallinta da’da dhexe marka loo eego dadka waawayn. Sidaas awgeed ayaa ardayda da’doodu ka yar tahay 35 sano looga baadhaa in ay qaaxada la kulmeen tiiyo laga qaadayo badhitaanka dhiigga (IGRA). Kii la kulmay qaaxada waxa la siiyaa 3-9 bilood daawaynta, si looga hortago qaaxada dahsoon (LTBI).

Si aad u hesho macluumaad dheeraada guji halkan si aad u akhrid: Kooxaha loo filaayo in ay qaaxo qabaan, Raadinta qofka la kulmay qof qaba cudurka qaaxada, Qaaxada qaadisteeda iyo Cudurka qaaxada.

Tan seddexaad madaxda degmada ee cudurada faafa oo ay la jiraan saraakiisha hay’adaasi ayaa baadhi doona xaalada la kulnaka qaaxada iyo kooxaha aradyda ah ee la kulmay qaaxada. Ardayda iyo shaqaalaha lagu caddeeyo in ay la kulmeen qaaxada waxa lagu wargelin waxa jira waxana la siini talooyin oo lagu siiyo kulan lagu wargelinaayo ama hab kale oo ku habboon oo ay go’aansato cidda mas’uulka ka ihi. Fadlan sug macluumaadka iyo kulanka wargelinta kuna dhaqan talooyinka.

Marka afraad, dhacdooyinka qaaxada ee bulshooyin badan ayaa si fudud u geli kara warbaahinta, madaxada cudurada faafa inta badan waxa ay ku faafiyaan warbaahinta. Ha gelin khalkhal ama ha shaacin aqoonsiga ama cudurka qof bukaana oo qaaxo qaba, Taasoo aad ku faafiso bulshada dhexdeeda ama baraha bulshada. Qofna lagu canaan maayo in uu qaaxo qabo.

Kan shanaad, taageer bukaanka mudada uu isbitaalka ku jiro iyo daawaynta dheer. Bukaanku in badan waxa uu ku jiraa werwer, cabsi, isaga oo isku buuqsan, iyo dareen ah in isagu uu dambiile yahay iyo isaga oo ka werweraaya inay surtagal tahay in uu qaaxada soo gudubto ama ay bukoodaan saaxiibadiisa u dhow iyo ardayda ay wax wada bartaan. Marka aad bukto waa la baqdaa ama waxa la dareemaa cidlo. Ku deeq tageeradaada oo diirigeli adoo telfoon am warqad ama e-mail u diraaya ama adoo siyaaranaaya.

Kan Lixaad, waxaada kobcin kartaa daafaca jidhkaaga adoo adeegsanaaya dhaqanka wanaagsan ee nolosha. Naftaada ilaali, si fiican wax u cun, jimicsi samee, hurdo wanaagsan seexo. Jooji cabidda sigaarka iyo cabidda khariga ha ku talaxtegin. Iska dawr werwerka. Qaado vitamin D dheeraada. Khaas ahaa dadka caddaanka ah ugu yaraan xiliada madawgu jiro ee bilaha Ocrober iyo April, dadka madoobi waa xilyada oo dhan.

Kan todobaad, Xasuusno in aad la kulantay qof qaaxao qaba mustaqbalka, laakiin ha ka werwerin. La xidhiidh dhakhtarkaaga si uu u baadho in aad qaaxo qaaday haddii aad aragto calaamadaha soo socda:

  • Qufac muddo dheer jira. Xaako, balqan muddo ka badan seddex todobaad.
  • Dareen xumadeed ama xumad aan la garanayn waxa keenay.
  • Nafsada cuntada oo aad lumiso iyo misaanka oo dhaca tiiyoonad adigu qorshayn.
  • Daal qayro caadiya.
  • Dhidid qayro qaadiya.