Qaaxdu guud ahaan waa cudur faafa oo khatar badan. Waa in aanu faafin. Qaanuunka Cudurada Faafa ayaa tilmaamaya in masuuliyiinta caafimaadka waajib ku tahay in ay ka hortagaaan faafidda qaaxada ku fidayso ee mujtamaca dhexdiisa. Taas waxa lagu smaeeyaa iyada oo la raadinayo qofka la kulmay qof qaba cudurka qaaxada. Raadintata qofka lakulmay qof qaba qaaxada waxa laga billaaba isbitaalka waxa ay ka sii socotaa xarunta bukaan socodka. Dhakhtarka masu’uulka ka ah Cudurada la kala qaado ee degmada iyo isbataalka degmada aya dabagala natiijada raadinta dadka la kulmay qof qaaxo qaba iyo haddii loo baahdo waxa ay sii kordhin kartaa tallaabooyinka wax lagaga qabanayo.
Ujeeddada raadinta qofka la kulmay qof qaba qaaxada waa in la ogaado haddii ay jiraan dad kale oo cuduruka qabaa, iyo sidoo kale waxa kuwa cudurka la kulmay oo ka faaiidaysan kara daawaynta ka hortagga ah. Sidoo kale marka ilmo yari ama qof dhalinyara ahi uu bukoodo waxa la raadiyaa cidii uu ka qaaday.
Sidee loo sameeyaa raadinta cidda la kulantay qof qaaxo qaba?
Inta badan raadinta qofka la kulmay qof qaba qaaxada waxa ay ka bilaabantaa, marka qof lagu caddeeyo cudurka qaaxada ee samababada.
Raadinta qofka la kulmay qof qaba qaaxada waxa lagu saleeyaa baaxadda uu xanuunku leeyahay in uu ku faafo.
Muddada uu cudurku ku faafi karo waxa ay ku xidhan tahay muddada uu qofku ku lahaa calaamado qaybta neefmareenka, iyo inta ay le’eg yihiin isbeddelka sambabada ee sawirka feedhuhu soo saaray. Mudada uu qofku faafin karo cudurka waxa ay u dhaxaysaa todobaadyo yar ilaa muddo ka badan sannad. Inta badan waa illaa seddex bilood.
Sida ku cad qaanuunka cudurada faafa Act (§22) qofka bukoodaa waa in uu sheegaa magacyada dadka laga yaabo in uu cudurka ka qaaday ama ku laga shakiyo in uu isagu u gudbiyay. Shaqaalaha isbitaalka ayaa xogwaraysanaya bukaanka si ay u ogaadaan cidda laga shakiyo in uu u gudbiyay cudruka. Magacyadooda iyo macluumaadka lagu xidhiidhayo ayaa la ururiyaa. Daka looga shakisanyay in cudurku u gudbay waa dadka uu bukaanku xidiidh badan la lahaa muddada uu ku jiray in uu cudurka faafin karo:
- Xubnaha qoyska iyo dadka kale ee kula noolaa isla guri qofka qaba cudurka qaaxada.
- Dadka kale iyo kooxaha sida saaxiibada, ehelka iyo dadka ay wada shaqeeyaan, isla dugsi wada dhigtaan iyo kooxo ay isku naadi yihiin.
Haddii uu sheego magacyada dadkaas, qofka qaba cudurka qaaxadu waxa ay caawinaysaa in dadka kale ay noqdaan kuwo cafimaad qaba. Macluumadka la bixiyaa waa sir. Magaca qofka bukaanka ahna looma sheegayo dadka loogu yeedhayo in la baadho.
Looma baahna in la baadho dhammaan dadka la kulmay qofka cudurka qaba. Xubnaha qoyska ka tirsan, iyaga markasta waa la baadhi. Kuwa kale waa in baahida la qiimeeyo, waxa loo baadhi xaalad kasta sideeda, iyadoo la eegayo muddada uu qofka kula kulmay goob guri gudihiiya.
Dadka loo yeedhayo si loo baadho:
Markasta
- Xubnaha qoyska iyo dadka kale ee kula nool isla guri qofka qaba cudurka qaaxada. Xubnaha qoyska waxa ka mida awoowyaasha iyo ayeeyooyinka iyo dadka la jeclel yahay ee xidhiidh badan la leh qoyska. Caruurta da’doodu ka yar tahay 7 sano waxaa loo baadhi sida ugu dhaqso badan.
Carruurta aan talaalnayn ee ka yar da’da 5 sano ayaa khatar badan ugu jirta in ay qaadaan cudurka qaaxada, ka dib marka ay la kulmaan cid cudrka qabta. Waxa kale oo ay qaadi karaan noocan adag ee qaaxada.
Waxa kale oo jira
- Haddii khatarta uu cudurku ku faafayaa ay aad u sarayso dadka kale ee aan qoyska ka trisanayn ayaa la baadhi: Kuwa da’doodu ay ka hoosayso 7 sano, ayaa ah kuwa ugu yaraan kulan la yeesahy qof buka 8 sacadood iyo kuwa da’doodu ka wayn tahay 7 sannadood oo la kulmay qof buka ugu yaraan 40 saacadood.
Haddii khatarta cudurku ku faafayaa ay hoosayso, waxa qudha oo la baadhayaa carruurta aan qoyska ka mid ahayn ee 7 sanadood ka yar ee ugu yaraa la kulmay qof buka 40 sacadood.
Baadhitaan caafimaad ee loo sameeyo qofka qaba cudurka qaaxada waqtiga uu cudurka faafin karo waxa la eegayaa, haddii ay jiraan xaalad (sida qaliin) ama dhib ka iman karta badhitaanno loo sameeyay (sida qalabka neemareenka lagu dhaadhiciyay, isaga oo xal degdega la gaaraayay, ama qalabka lagu neefsado lagu dhaadhiciyay, ama qalabka neefisiga cabira lagu baadhay, ama ilkaha looga shaqeeyay), xaaladahaas oo keeni kara in jeermiga qaaxadu u gudbi karo shaqaalaha.
Sidee baa macluumaadka dadka la kulma qof qaba qaaxada loo gudbiyaa?
Magacyada iyo macluumaadka qofka la kulmay qof qaaxo qaba waxa la geliyaa diiwaanka isbitaalka oo lagu qoro foomamka loogu talagalay raadinta ciddii la kulantay qof buka, waxa qoraalada loo diraa dhakhtarka cudurada faafa ee bukaan socodka ee goobta qofku degan yahay. Kuwa kula kulma qof qaaxada qaba goobta shaqada. Waxa loo gudbiyaa macluumaadkooda sida kuwa hore loogu gudbiyay si la mida qaybta caafimaadka shaqaalaha.
Halkee baa kuwa la kulma qof buka lagu baadhaa waana maxay baadhitaanada loo sameeyaa?
Habka loogu talagalay qiimaynta way kala duwan yihiin oo degmaba degmada kale way ka duwan tahay. Guud ahaan waxa isbitaalka ama bukaan socodka laga diraa warqad loo diro qofka la kulmay qofka qaaxada qaba oo ay la socdaan su’aalo qorani. Qofka la kulmay qofka buka waxa la waydiistaa in waqti ballana uu ka qabsado ama telefoon uu u soo diro bukaan socodka ama goobta caafimaadka shaqaalaha.
Baadhitaanka dadka waawayn waxa lagu fuliyaa goob bukaaan socoda. Carruurta da’da dugisyada ka yar iyo dadka xanuunno gaar ah qaba, ama qaadanaaya daawooyin kor u qaadaya khatarta ah, in ay qaadaan qaaxada kacsan waxa lagu baadhayaa isbitaalka.
Dhammaan dadka la kulmay qof qaaxo qaba waxa laga qaadayaa sawirka feedhaha, macluumaad khuseeya qaaxadana waa loo sheegayaa. Baadhitaano kale ayaa loo diyaarinayaa sida ugu dhaqsaha badan kuwa leh calaamadaha qaaxada.
Dadka ka yaryar 35 sanadood ayaa laga qaadaya baadhitaanka dhiigga (IGRA, B.TbIENg) laba bilood ka dib markii ugu damaysay ee ay la kulmeen qof qaaxao qaba. Baadhitaanka waxa uu sheegayaa in jidhkiisu la kulmay jeermiga qaaaxada. Dadka caafimadka qaba oo la kulma qof qaaxo qaba, qiyaasta ah ≥1 IU/ml waxa ay tilmaamaysaa in ay jirto qaaxo jidhka ku jirtaa. Dadkaas waxa la siin karaa daawayn ka hortaga (LTBI Treatment). Badhitaankani ma sadaalin karo cidda uu ku soo bixi doono cudurka qaaxadu. Baadhitaanka íyo go’aanka in la daaweeyo waxa lagu sameeyaa qaybta takhasuska daryeelka ee isbtaalka.
Maxaaa baadhitaank IGRA looga qaadi waayay qof kasta?
Baadhitaanka IGRA waxa loo sameeyaa kuwa loo diyaariyay in ay helaan daawooyinka ka hortagga. Daawooyinka ka hortagga looguma talagelin dadka ka wayn 35 sano, iyaga waxa aad u suurtagal ah in ay qaadaan xanuunka jooniska{cagaarshowga} oo xidhiidh la leh daawooyinka marka la garab dhigo dadka da’yarta ah. Si kastaba ha ahaatee daawada waa la siinayaa haddii qofka ka wayn 35 jir uu qabao xanuun kale, kaas oo kor u qaadaya khatarta in uu qaado cudurka qaaxada. Xalaaddaa dhibta ka iman karta daawada ka hortaga qaaxada waa la aqbali karaa.
Maxay u hogaamisaa oo loo qaataa qiyaasta baadhitaanka IGRA ee qofka caafimaad qaba, ee ay tahay in lasiiyo daawada ka horatagga qaaxada dahsoon (LTBI 1.0). Marka shaybaadhkuna tixgeliyo qiyaas ah 0.35 inay tahay positive?
Natiijada baadhista ah negatif (<0.35) waxa ya qeexaysaa in aanay waxa cudrka qaad ihi u gudbin qof caafimaad qaba oo la kulmay qof qaba cudurka qaaxada. In la cabiro badhitaan boosatifa aad ayay u adag tahay. Waxa la ogyahay natiijada u dhow shirkada soo saartay baadhitaan qiyaasta xadka u ah in ay inta badan aad u kala duwan yihiin awgeed. Markaas waxa suurtagal ah in jawaabtu tilmaanto boositive iyadoo ay runtii ay been tahay. Cilmibaadhisyo la sameeyay waxa ay tilmaamayaan in ay jirto khatarta qaadista cudurka qaaxdu ay sarayso marka ay jirto natiijada xadak 1.0-4.0.
Finland koox ah khbarada qaaxada ayaa soo jeediyay taladan si loo abbaaro daaweynta qaaxada dahsoon (LTBI, latent tuberculosis infection). Taas oo aad hubaal u ah in dadka runtii uu jidhkooda u gudbay cudurka qaaxadu, ay ka faa’dayaan daawaynta ka hortagga ah. Dadka qaba xaalad ay ugu nugul yihiin in ay qaadaan cudurka qaaxada (oo ah xanuun ay qabaan ama daawooyin ay qaataan oo nugleeya daafaca jidhka ee cudurada), xadka natiijada boosatifka ihi waa 0.35.
Waa maxay LTBI (qaaxad dahsoon)?
Daawaynta qaaxada dahsoon (LTBI) waxa ay ka hortagtaa in la qaado cudurka qaaxada xaaladaha la daaweeyo intooda badan. Daawayntu waxa ay ka kooban tahay 1-2 daawo oo ah kuwa qaaxada. Daawayntu waxa ay socotaa 3 bilood (laba daawo ah) ama 6-9 bilood oo hal daawo ah.
Go’aanka daawayntu waxa aasaas u ah qof wal oo baadhitaanka loo sameeyay iyo warysigana lala yeeshay. Daawada waxa la siiyaa haddii qofku uu isagu doonayo oo ay ka go’antay in uu qaato daawada. Go’aanka in la daaweeyaa waxa ay ku xidhan tahay kolba qiimaynta dhibaatada ay daawadu. Daawada waxa lagu bilaabaa oo lagu kormeeraa goob takhasus, waana lacag la’aan.
Halkan guji si aad u akhrido maculuumaad dheerada oo khuseeya qoraalka macluumaadka bukaanka.
Yaa ubaahan sawirka feedhaha si loola socdo xaaladaha qaarkood?
Sawirka feedhaha ee ah in la lala socdo xaaladda qofka waxa la sameeyaa sannad ka dib xaladaha soo socda:
- Qofka la kulmay qof qaaxo qabaa, haddii uu 35 sano ka wayn yahay oo qof qoyska ka tirsani, ama isagu uu galay camaliyado keeni karta dhibaato qaaxo lagu qaado.
- Qof lagu caddeeyay in uu qabo qaaxada dahsoon (LTBI) laakiin sababa jira awgeed aan qaadan Karin daawaynta ka hortaga qaaxada. Haddii qofku uu la kulmay qof qaba qaaxada daawooyinka u adkaysata ama uu leeyay dhibaato ah in uu mukhaadaraad, xaaladdooda waxaa lagula socon doonaa raajo laabta muddo laba sano ah.
Waa maxay qiimaha baadhitaanku?
Dhamaan baadhitaanada iyo daawaynta loogu baahdo in qof qaaxo qaba lala kulmay waa lacag la’aan, waxaa tilmaamaya sharciga sooshiyalka iyo daryeelka caafimaadka. Qiimaha dhabta ah ee ku baxayaa booqashada bukaan loogu tegaayo bukaan socodka, baadhitaanka iyo daawooyinka waa qiyaastii 1,400 EURO.
Maxaa kale oo la xusuusnaanayaa qofka dabagalku u dhammaanayo?
Waa muhiim in aad xasuusnaato inaad la kulantay xannunka qaaxada. Mustaqbalka u sheeg shaqaalaha ka daawaynaaya xaaladdaa. Waxa suurtagal ah in aad u bukooto cudurka qaaxada marka aad la kulanto qof qaba ka dib. La xidhiidh dakhtarkaaga si uu u baadho in aya jirto qaaxadu haddii aad yeelato qaar ka mida calaadaha soo socda:
- Qufac muddo dheer ku haya, xaako, ama balqan jira muddo ka badan sedex todobaad.
- Qandho ama xummad aan la garan karin waxa keenay.
- Nafsada cuntada oo lunta iyo misaanka oo hoos u dhaca tiiyo aan qofku isagu qorshayn.
- Daal qayra caadiya.
- Dhidid habeenkiiya oo qayro caadiya.