Haddii aad ka shakido in aad qabto Cudurka Qaaxada, fadlan la soo xidhiidh:
- Goobta caafimaadka ee Daegaankaad degen tahay
- Adeegayada cafimaad ee shaqaalaha
- Xarunta caafimmadka ardayda ee meesha aad degentay ama adeega cafimaadka ardayda
- Dadka soo codsada qaxootinimo: Xafiisaka kalkaaliyaha cafimmadka guud ee ku yaala xarunta qaabliaadda qaxootiga.
Xarunta cafimmadku waa in ay kuu sameysaa ballan si aad ula kulanto Kalkaaliso ama dhakhtar muddo 1-2 casho gudahood ah ama ay ku siiyaan macluumaad wixii kale ee aad yeeli doontid.
Qiimaynta xaaladdaada Cudurka qaaxadu waxa ay ka bilaabmaysaa in su’aalo lagaa waydiiyo calaamadaha xanuunka iyo in ay jirto wax tilmaamaya in ay qaaxo jirto. Waxa lagu waydiin in hore qaaxadu kuugu dhacday, iyo inaad la noolayd dadka qaba cudurka qaaxada.
Haddii laga shakiyo cudurka qaaxada, sawirka x-ray ee laabta ayaa markasta la qaadaa iyo saambal xaakada ah (oo lagu baadho maykroskoobka iyo beeritaanka xaakada).
Waxa kaloo badhitaanka jidhka kuu samaynaya Dhakhtarka.
Qiimaynta xaaladda caafimaad ee qaaxada dadka waawayn inta badan lagu baadhaa goobaha bukaan socodka. Taaso oo ku xidhan kolba xaaladda bukaanka iyo calaamdaha uu qabo, qiimaynta waxa kale oo lagu sameyn karaa goob isbitaala.
Haddii la caddeeyo in aad qabto qaaxada ama shaki xoogani jiro in ay qaaxo jirto, waxa si deg dega u suurtagal ah, in laguugu gudbiyo isbitaalka si baadhitaan dheeraada iyo daaweyna laguugu sameeyo. Haddii laga shakiyo in ay jirto qaaxada nooca la isu gudbin karo, waxa lagama maarmaan noqonaysa in isbitaalka lagu dhigo sida u dhaqsha badan (muddo dhawr cisho ah gudahood) haddii kale in isbitaalka lagu dhigo waxa ay qaadan kartaa mudo ka dheer.
Isbitaalka, kolka hore waxa lagu dhigi qolka takoorka, si aanad cudurka ugu gudbin dadka kale. Waxa la sameyni doonaa badhitaano dheeraada inta aad isbtaalka ku jirto iyada oo ku xidhan kolba xaaladdu sida ay tahay.
Daawaynta qaaxada waxa lagu bilaabaa isbtaalka, waana la sii wadayaa marka guriga aad ku noqoto tiiyo lala soconaayo markasta oo aad qadanayso. Inkasta oo bukaan-socodku ka masuul yahay qaadashada daawada qaaxada ee bukaanka, dhakhtarka isbitaalka ayaa masuul ka ah daawayntaada oo go’aandana iska leh inta daawadu socoto oo dhan. Booqashooyinka ee lagula soconaayo qaadashada daawooyinka ee loogu tegayo bukaan-socodka isbitaalku waa bil kasta ama labadii biloodba mar.
Caddaynta cudurka qaaxada ee carruurtu way adag tahay. Mar haddii ilmuhu uu qaado cudurka qaaxada, xaaladdu dhaqso ayaa uga sii dartaa. Sababtaas awgeed dhammaan carruurta da’doodu ka hoosayso 16 sano waxa badhitaankooda lagu sameeyaa isbitaalka carruurta.
Dawooyinka, adeega isbtaalka iyo,booqashooyinka si loola socdo daawaynta qaaxada dhammaan waa lacag la’aan. Muddada daawadu kuu socoto waxa aad ka heli shaqaalaha ku daawaynaaya, taageero, iyo macluumaad. Shaqaalaha sooshiyalka ayaa ku siini macluumaad khuseeya taageerada sooshiyalka. Waxa kale oo aad xidhiidh la yeelan kartaa taageero cidii kale ee taageerta bukaanada.
Qiimaynta asaasiga ee Caafimaad:
- Haddii xanuunno hore uu qabay bukaanka (qofka oola waraysto)
- qofka oo badhitaan jidhka ah uu dhakhtarku u sameeyo
- Sawirka feedhaha (raajada)
- Xaakada oo mikroskoopka lagu baadho iyo xaakada oo la abuuro si loo eego in ay jirto jeermiga qaaxadu, mikobateria ama in la helo hidda- sidaha qaaxada DNA
Badhitaano dheeraada (haddii loo baahdo):
- Baadhitaanka dhiigga
- Badhitaanka qalabka neefmareenka lagu dhaadhiciyo
- Biopsy ama muunadaha unugyada
- Qalabka casriga ah sida CT skaanka iyo MRI