Macluumaad dearada ka akhri dibaatada daawada qaaxada.
FAQ Category: Daawaynta cudurka qaaxada
treatment for TB disease
Sidoo loo daaweeyaa qaaxada adkaysiga daawada u leh?
Hadii bukaanku uu qabo adkaysi dawwoyin badan (MDR) ama adkaysiga xoogan (XDR), isaga/iyada waxa lagu daawayni illa shan ama lix daawo oo la isku daro. Daawayntu wax ay qaadataa ilaa laba sano.
Waa Maxay adkaysiga bagteriadu ku yeelanayso daawada qaaxada?
Daawada qaaxada oo si aan haboonayn ama qlada loo qaato ayaa keenaysa adkaysiga bakteriadu ku yeelanayso daawada. Taasi waxa ay noqon kartaa in daawooyinka hore u ahaa kuwo bakteriad dili kara laga qaatay hal ama laba daawo oo qudha, ama la joojoojay daawad marrar badan. Cudurka keena adgaysiga bakteriada ee daawada waxaba ka tariwayaan daawooyinka caadiga ah ee qaaxadu. Qaaxada adakaysiga daawada lihi waxa ay u faaftaa sida qaaxadan daawda u nuguli u faafto.
Qaaxada adkaysiga u leha daawooyinka tirobada (MDR-TB). Waa nooc qaaxada ka mida oo ay keento bakteria adkaysi u leh isoniazid iyo rifampicin, labada daawo ee ugu xoogabadan ee xeerka 1aad ee dawaynta qaaxada.
Qaaxad adgaysiga xoogan lehi (XDR-TB), waa nooc ah qaaxda adkaysi ule daawooyin badan oo u nugul daawooyin tiryar ee jira, oo ay ku jiraan daawooyinka xeerka 2aad ee qaaxada.
Qaaxada daawooyin tiro badan u adkaysata waxa ay ka jirtaa aduuna oo dhan. Xaladahaas kalabadh waxa laga helaa Hindia, China, dulkii hore ee Soviet Union. Finland waxa jira tiro toban qof ka yar oo ah xaalado cusub oo adakaysi u leh daawada sanadkiiba.
Uur ma yeelankaraa mudada aan daawada qaadanaayo?
Waxa lagu talinayaa in la iskajiro in uur la qaado muda daawadu socoto. Daawada qaaxadu wax ay dibaato u keentaa ilmaha uurka ku jira oo dawooyinka qaarkoodna waa khatar waqtiga uurka. Gabadhkasta oo ku jirta da’da ay dhalilahayd oo qabata cudurka qaaxada waa in ay la tashataa dhakhtarka si loogu helo hab looga hortegaayo uurka waqtiga daawadu socoto. Kiniinka lagaga hortago uurka waxa daciifisa daawada qaaxda, markaas kuma kalsoonaan kartid in ay ka hortagto uurka mudada daawadu socoto.
Kalmood ama jimaac ma samayn karaa mudada aan daawada qaaxada qaadanaayso?
Ha waad samayn kartaa. Waxa se muhiima in aad xusuusnaato in bilowga daawada ay dhici arto inaad aad u daalantay oo aanu kalmoodku ku xiisa gelinayn.
Goorma ayaan bilaabi karaa sbortiga?
Qaaxadu waxa keentaa daal, kaas oo dhamaada marka qofku uu fiicnaado. Bilowga daawada waxa muhiim in la nasto. Lugayska malinkasta oo socod ayaara waa suurtagal isla marka aad dareentid in aad awood kugu filan leeday oo aad bixi karto. Dhakhtarkaaga ayaa talo gaara oo dheraada ku siin doona sida aad u bilaabi karto jimicsiga.
Ma u dadaalaa is-nafaqaynta mudad aan daawada qaaxada qaadanaayo?
Haa. Waa muhiim in aad si fiican waxa u cunto si uu jidhkaagu u helo enerjiga. Hadii miisaankaagu hooseeyo oo aad miisaan badan lumiso, khabiirka nafaqada ee isbitaalka ayaa kuu diyaarinkara qorshe cunto oo kuu gaara.
Anigu ma caawin karaa in ka bogsado qaaxda?
Haa waad kartaa. Raac talada ay ku siiyaan dhakhaatiirtaadu iyo kalaaliyayaashu. Qaybtaad ka qaado dawaayntaada sida tooska ah loo ilaalinaayo qaadashadeeda.
Cudurka qaaxada ma keeni karaa naafo joogta ah oo uu jidhka gaadhsiiyo?
Bukaanadu inta badan cudurka si buuxda aya uga bogsani. Hadii bilowga daawadu uu dib u dhacdo oo qaaxaduna ay daawac wayne gaadhsiiyo sambabka oo keenta in aan jidku wada bogsan. Marmar waxa muhiima in la sameeyo qaliin si loo gaadho bogsiimada xaanuun adage e qaaxada.
Qaaxada ma la daawayn karaa?
Cudurka qaaxada waa laga bogsankaraa hadii la isticmaalo daawada casiriga ah oo hore loo bilaabo.
Waxa aad u adag in la daaweeyo qaaxada daawada adkaysiga u leh. Sedexdii qofba laba qof oo qaba qaaxada daawadu any karin ayaa ka bogsada marka ay qaataandaawada mudo laba sano ah.