Goobta baadhitaanku waxa ay ku xidhantay xaalada iyo calaamadaha bukaanka. Sawirka x-rayga laabtu waxa lagu saarikaraa qofka goobta caafimaadka asaasiga ah sida goob caafimaad. Xaakada waxa qofka lagaga soo qaadikaraa guriga sedex arroorood oo isku xiga.
Go’aanka cadaynta cudurka iyo daawayntuba waxa ay ka dhacaysaa isbitaalka, qaybta u gaarka ah takhasuskaas. Caruurta ka yar 16 sano waxa lagu baadhaa qaybta caruurta iy waadhka caruurta. Dadka waawayn waxa lagu baadhaa qaybo kala duwan kolba calaamadahoodu sida ay yihiin. Masalan hadii qaaxada sambabka lagaaga shakiyo baadhitaanku wax uu ka dhacayaa bukaan socodka ama waadhka cudurada feedhaha. Hadii laga shakiyo qaaxad qanjidhada waxa qofka baadhaya dakhtarka takhasuska dhegaha.