Qaaxada laguma kala qaado weelka waxa lagu wada cuno, cabitaanka, cuntada, dharka iyo taabashada gooba ka mida guriga. Bakteriada qaaxada waxa ay gashaa hawada marka qof qaba qaaxada sambabka uu qufaco, hindiso ama uu heeso. Dadka kale ee kula nool isla goob gudaha ah sida (isla qol ama guri) ayaa bakteriadu u gudbi kartaa sambabkooda, marka ay hawdan neefsadaan ayay qaadayaan cudurka. Marka qofa bukaa ka baxo qolka, bakteriadu weli waxa ay ku sii jirtaa hawada qolka mudo saacado ah. Khaas ahaan meelaha aan hawada loo furin. Hadii qofka bukaa ka baxo qolka saacado badan horteed oo qolkan hawada loo furay khatartu qaaxadu way ka yaraanaysaa qofka nadiifinaaya qolka.