Claamadaha guud ee cudurka qaaxadu waa, nafsad daro cuntada, miisaanka oo hoos u dhaca, daal, Dhidid badan habeenkii, qadhqadhyo ama xumad. Caruurta qaaxadu waxa ay u muuqankartaa koritaanka oo hooseeya.
Calaamadah gaara ah ee qaaxadu waxa ay ku xidhantay qaybt jidhka ee kolba ku dhacdo. Claamadaha qaaxada sambabku waa qufac jira mudo sedex todobaad iyo ka badan.
Hadii qofku qabo qaaxada qanjidhada, qanjidhadaa caabuqay waxanay yeelanayaan barar iy in ay waynaadaan. Qanjidhada bukoodaa waa kuwa qoorta inta badan, waxa kale oo bukoda kuwa kilinkilooyinka iyo goljilicda, Intabadan qanjidhadu danqasho ma laha hadii ay adagyihiin. Marka uu xanuunku sii socodo qanjidhku waa casaan waana jilcayaa. Qanjidhka hadhuu dheecan galo wuu dilaacayaa.