Tallaalka Qaaxada

vauva

Tallaalka Cudurka qaaxadu waxa uu ka ilaaliyaa caruuta nuunuuyada ah iyo dhallaanka qaaxada noocyadiisa aad halista u ah.

Tallaalka BCG oo u taagan (Bacillus Calmette-Guerin) waxa ay ka kooban tahay tallaal nool oo ah jeermiga Bacillus Calmette-Guuerin oo la daciifiyay. Tallaalku qofka kama daafaco in uu cudurka qaado, waxa uu ka hortagaa nooca halista. Carruurta sannad ka yar iyo dhallaankuba waxa ay u nugul yihiin cudurka qaaxada. Talaalka waxa loogu talagalay in carruurta sannad ka yar iyo ubadka yaryar uu ka ilaaliyo nooca halista ah ee cudurka qaaxada, sida qaaxada qorgooga ama qaaxada jidhka ku baahda. Awoodda uu leeyahay tallaalka qaaxadu in uu qofka ka badbaadiyo cudurka qaaxada, ayaa aad cilmibaadhista loogu sameeyey. Daafaca tallaalku hoos ayuu u dhacaa marka ay muddo ka soo wareegto, laakiin daafac badh ah ayuu weli siin karaa tobanaan sano.

Waqitiyadii hore tallaalka BCG waxa la siin jiray dhammaan carruurta Finland gudaheeda. Laga bilaabo 2006 Tallaalka BCG waxa la siiyaa carruurta la filaayo in ay khatar badan ugu sugan yihiin in ay cudurka qaaxada qaadaan. Tallaalka muddooyinkan dambe lama siiyo carrurta oo dhan sababta oo ah xaaladaha cudurka qaaxada oo hoos u dhacay dalka Finland.

Tallaalka waxa la siiyaa carruurta isla marka ay dhashaan. Carruurta 7 sano jirta lama tallaalo. Baahida in la tallaalo waxa go’aamiya dhakhtarka. Tallaalka qaaxadu waxa lagu bixiyaa lacag la’aan.

Talaaka BCG waxa lagula talinayaa caruurta

  • kuwa la nool xubno qos ama dad kale oo qabay cudurka qaaxada
  • u dhasy dal ay cudura qaaxadu ku badantay ama la nool xubno qoys ama qof ku dhashay wadan ay qaaxadu ku badantay ama
  • ama u guuraya dal ay qaaxadu ku badantay halkaasna joogaaya mudo ka badan hal bil

Talaalka BCG waxa kale oo lagula talinayaa hadii ilmuhu xidhiidh joogta ah uu la leeyahya qof

  • kaas oo ka yimid wadan ay qaaxadu u badantay
  • kaas oo qaba xanuuna qaaxada
  • kaas oo loo aqoonsanday in haslis u yahay cudura qaaxada

Tallaaka BCG ee uu qofku qaatay carruurnimadiisii, qofka  kama ilaalin karo  qaaxada markuu waynaado.

Halkan guji si aad macluumaad aad Websitka dheerada uga akhrido:
www.thl.fi/fi_FI/web/rokottajankasikirja-fi/bcg-rokotukset

Talaalol ka cusub kana khatar yar ayaa dunida laga soo saarayaa.