Qaaxadu waa ka mid xanuunada la kala qaado. Waxa sababa Jeerrmiga Mycobacterium Tuberculosis. Qaaxadu waxay ku faaftaa iyada oo qofka qabaa u gudbiyo qof kale tiiyoo raacaysa hawada.
Meesha ugu badan ee ay qaaxadu ku dhacdaa waa sambabada, waana goobta jeermigu ku sii bato oo uu sababo caabuqa. Jeermigu waxa uu u sii fidi karaa xubno kale oo jdhka ka mida isaga oo raacaya dhiigga iyo dhecaanka lymphatic. Sidaas awgeed qaaxadu waxa ay ku dhici kartaa, qajidhada, lafaha, kaadimareenka, xubnaha taranka, maskaxda iyo curuuqda, jidhka, ama xanuun jidhka wada gaadha. Qaaxada waa laga bogsan karaa. Baadhitaanka qaaxada iyo daawaynteeduba lacag la’aan ayay bukaanku ku helayaan.
Qaaxadu waa cudur ka jira guud ahaan Aasiya, Afrika, Koonfurta iyo Badhtama qaarada Ameerika iyo inta badan Beriga Yurub. Sanad kasta illaa 10 milyan oo qof ayaa u bukooda qaaxada. Waxa cudurka u dhinta 1.5 milyan. Degaamada ciidhiidhiga aha ee dad tiro badani ku nool yihiin, Nafaqodarada, xanuunka HIV, daryeelka caafimaad oo liita, waxay salhlayaan faafidda Cudurka. Qaaxada waxa ay ku faaftaa wadmada uy ka dhaceen, afooyinka degaanka, dagaalada. Iyo barakaca mujtamaca, kuwaas oo waxyeeleeya noloshii aasaasiga aheyd.
Dalka Finland qaaxada waxa ay weli ahayd dhibaato wayne oo saameysa caafimaadka bulshada sanadahii 1930. Waqtigaa, hal qof oo fiinisha ayaa saacad kasta u dhiman jiray cudurka qaaxada. Waqatiga aynu joogno in ka yar 250 xaaladood oo cusub oo ah Cudurka qaaxada ayaa laga helaa Finland sanadkii. Dadka cudurka laga helo kala badh waa dad u dhashay dalal ajaaniba. Kooxada Mujatamaca ee uu nugul in ay qaadaan Cudurka qaaxada Finland gudaheeda waa dadka waawayeen ee dhashay 1950 kii ka hor, iyo dadka ajaanibta ah ee soo degay Finland kana yimid dalal qaaxadu ku badan tahay iyo dadka qaata daroogada iyo maan dooriyayaasha. Qaaxadu waa cudur u baahan in laga digtoonaado.