[palaa]
Hadii adiga, qof qoyskaaga ka tirsan ama dad kale oo aad isu dhowdihiin uu qabo Qaaxada sambabka waxaa laga yaabaa inay ku fido dad kale. Qaaxadu waxay fidaa inta bukaanku uusan bilaabin qaadashada daawada iyo asbuucyo intaa ka dambeeya. Dadka ku nool hal guri waxay halis ugu jiraan inay kala qaadaan Qaaxada. Dhammaan dadka qaaxadu saamaysay kama soo muuqdaan calaamadaha Qaaxada. Carruurta yaryar, dhallinyarta, duqeyda iyo dadka difaaca jirkoodu liito ayay si fudud Qaaxadu ugu dhacdaa.
Sidee loo baarayaa dadka aad isu dhowdihiin?
Hadii adiga ama xubnaha qoyskaagu aad qabtaan Qaaxada sambabka oo dad kale loo sii gudbin karo, dadka aad isu dhowdihiin sida xubnaha qoyskaaga, saaxiibadaa ama ardayda aad isku fasalka tihiin waxaa laga dalbanayaa inay xarunta caafimaadka yimaadaan. Waxaa la baarayaa bal in qof ka mid ah uu qabo Qaaxo ama bal in qof la qaadsiiyay Qaaxada.
Sidee loo abaabulaa baaritaanada?
Kalkaalisada ayaa dhammaantood ka qaadeysa wareysi. Waxay marayaan baaritaano caafimaad iyo raajo. Dhammaan waxaa la siinayaa xogta Qaaxada iyo tilmaameyaal kusaabsan meesha ay tahay inay aadaan hadii ay hadhoow kusoo baxaan calaamadaha Qaaxada. Dhammaan dadka buka isbitaalka ayaa loo dirayaa si loogu soo daaweeyo. Dadka kale ee waaweyn waxay tahay inay maraan baaritaano cusub oo ay la jirto raajada feeraha hal sano kadib.
Carruurta waxaa durba loo dirayaa isbitaalka si Qaaxo looga baaro. Baaritaanka Qaaxada waxaa dheeraad ku ah baaritaan lagu samaynayo maqaarka iyo dhiigga oo laga baarayo in Qaaxo saamaysay. Carruurta jirran durba waxaa loo bilaabayaa daawada. Carruurta qaba calaamadaha Qaaxada ayagoon xanuunsanayn daaweyn fudud ayaa la siin karaa taasoo ka hor istaageysa in hadhow xanuunka Qaaxadu asiibo.
[laatikko_footer]