Dhibaatoyinka daawada qaaxada

Daawada qaaxadu waxa ay keeni kartaa dhibaatooyin, haddii aad ka shakidid qaarkood u sheeg kalkaalisada ama dhakhtarka.

Dhammaan dhibaatooyinka daawooyinka qaaxadu waa sahal, waa iska tegayaan marka daawada la sii wado ama waxa ay noqonayaan kuwo sahlan. Marka la isku celceliyo tobankii qofba hal qof ayaa la kulma dhibaato aad u adag. Xaladahaas waxa dhici karta in daawada la hakiyo si ku meel-gaadh ah.

Qaadasha Daawada qaaxada tiiyo la qaadanaayo daawooyin kale, isla waqtigaas waa in waa in laga foojignaadaa. Sidaas awgeed dhakhatarku waa in uu ogaado dhamaan daawooyinka kuu socoda (daawoyinka kaadi macaanka, si looga hortago xinjirowga dhiiga, daawooyika dhalmada kala dheereeya iyo wixii kale). Dhaqtarkaaga u sheeg haddii aad qaadato daawyin kale, ama waxayaal nafaqo ah oo iyaguba la imaan kara dhibaato ay isku biiraan daawada qaaxada.

Dhibaatada sahalka ah ee daawada qaaxadu waa wax caadi ah oo aan la jeclaysan, laakiin aan kaa hor joogsaneyn in aad daawada sii wadid. U sheeg qofka masuulka ka ah daawayntaada, waxa ay isku deyi in ay xal sahla u helaan. Dibaatooyinka sahlan waxa ka mid ah:

  • Kaadida, candhuufta, iyo ilmada oo midab basaliya yeesha. Taas waxa sababa daawada rifampicin. Quruuradda-aragga ee gudha isha la geliyaa waxa ka tegi kara midabka markaas ha xidhan mudada aad qaadanayso daawaynta rifampicin.
  • Casaan iyo cuncun jidhka ah haddii ay qorraxdu ku qabato. Daawooyinka qaar ka mida sida pyrazinamid ayaa jidhka u nugleeya iftiinka cadceeda. Dhaqtarkaaga ayaa kugula talinaya in aad isticmaasho qalab cadceeda jidhkaaga ka celiya ama jidhkaaga aad ku ilaaliso dharka.
  • Finanka jidhka ayaa ka sii dari kara isticmaalka isoniazide, kuwaas waxa lagu daaweyn karaa dhiiqooyin jidhka la mariyo.
  • Timaha oo daata ayaa iman kara oo ay keenayso daawada isoniazide. Dhibaatadaasi way dhammaan doontaa marka daawada la dhammeysto.
  • Waxa jiri karta xaaladda casaan iyo cuncun-wajga ah ama foodda 2 ila 3 sacadood ka dhib marka aad qaadadtid rifampicin ama pyrazinamide. Calaamadaasi waxa lagu daaweyn karaa daawoyinka xasaasiyada.
  • Xaaladda wajigu casan yeesho, oo ay la socoto madax xanuun, wadna garaac, cabirka dhiigga oo kor u kaca ama hoos u dhaca oo keena dawakhaad waxa ay ka timaadaa cuntooyin ay ku jiraan maadadaha xasaasiyada, tyramine ama histamine haddii la cuno waqtiga ay socoto daawada isoniazid. Xaaladaasi waxa ay ku koobnaan kartaa qofka. Dibaatadaas waxa lagaga hortegi karaa haddii la la iska dhawro cuntooyinka soo socda mudada la qaadanaayo isoniazid:

• Matured Farmaajada
• Khamriga cas
• Kalluunka tuunada
• Makaraha la xawaasheyo

  • Cuncun iyo finan joogta ah. Nooca ka soo bax jidha iyo daawaynta lagama marmaanka ah, waxa la xalliyaa qof walba xaaladdiisa. Haddii xaaladda xanuunka maqaarku yahay sahal waxa lagu daawayn karaa dareerayaal iyo daawada xasaasiyada. Marmarka qaarna muddo gaaban oo ah daawaynta koortisonka. Haddii ka-soo-baxa jidhku uu wato xumadda iyo xanuun, dhakhtarkaaga ula xidhiidh si degdega.
  • Lallabo, shuban iyo nafsada cuntada oo lunta waa dhibaato caadiya oo daawdau leeday inta badan waa ay iska dhammaadaan marka muddo todobaadyo yar daawada ay socoto. Lallabo adag oo joogto ah waxa lagu daawayn karaa daawooyinka mataga.
  • Xanuun sahala oo ah qaybta saree ee caloosha. Kaas waxa lagu daawayn karaa daawooyin.
  • Garaac sahlan ee xubnaha ah. Kaas waxa lagu daawayn karaa xanuun-biiye ama jimicsi.
  • Madax xanuun fudud. Tan waxaa lagu daweyn karaa xanuun baabiiyaha.
  • Daal, iyo iyadoo ay kugu adkaato in aad ku samirto wixii aad qabanayso, cadho badan, iyo xanaaq badan, Debrashan, xaladahaasi waxay u baahan yihiin in aad cid kala sheekaysato, oo aad ka hesho taageero dadka ku jecel ama bulshada.
  • Hurdo xumo, taas waxa lagu xallin karaa jimicsi, in la yareeyo cabbidda bunka, iyo in la qaato daawada melatonin.
  • Afka oo engegan, ku dadaal nadaafada afka, biyo kugu filan cab (dadka waawayni waxa ay u bahanyihiin uguyaraan 1.5 L/maalintii waxa aad isticmaali kartaa waxayaabaha qalalka afka biiya (oo laga iibsan karo farmasiyada tiiyoo aan dhakhtar kuu qorin). Ama ku subag afka saliidda wax lagu karsado ama saliid saytuun.
  • Haddii uu jiro dhadhan sdai birta oo kale ihi, xnajada Xylitol calasho ama Lozenge oo curnaha loogu tala galay ayaa yarayn kara dhibta.

Dhibaatooyinka adag ee daawooyinku aad ayay u yar yihiin laakin marka marka ay soo baxaan daawada dhibaatada keenaysa waa in la joojiyaa, ugu yaraan muddo ku meel-gaadha. La xidhiidh qofka masuulka ka ah daawayntaada ama adeega xaaladaha degdega ah haddii aad dareento qaar ka mida calaamadahan:

  • Matag iyo xanuun adag oo caloosha ah.
  • Midab jidhka ah ama qaybta cad ee indhaha oo hurdi noqota. Calamadahaasi waxa ay ka iman karaan Joonis ay sababtay daawada qaaxadu muddada daawadu socotay, baadhitaanka shaqada beerka ayaa lala socon doonaa si joogta ah iyada oo dhiigga la baadhaayo.
  • Xummad iyo cucncun is soobax jidhka ah, jidhka diirku kakaco.
  • Barrar ciridka, debnaha, xiribaha indhaha iyo neeftuur.
  • Xanuun adag oo xubnaha iyo muruqyada kaas oo xayiraaya dhaqdhaqaaqa.
  • Dawakhaad
  • Wareer ama maqalka oo xumaada.
  • Kaadida oo yaraata ama midabkeedu uu noqdo madow.
  • Aragga oo xumaada.
  • Suuxdin ama qallal.
  • Khaakhaayiraad (la arkaayo ama la maqlaayo waxayaabo lala yaabo).
  • Fakir ah in qof maago in uu is-dilo, isbeddel adag oo xagga dabaca ah.
  • Dhiigbax ka yimaada cadka hoose ee afka ama sanka.

Dhibaatada daawoyinka qaaxada waa laga hortegi karaa tusalo ahaan ilaa xad daawda isoniazide waxa ay keentaa xanuun curuuqada xubnanaha ah, oo claamadahiisu yihii dareenka oo yaraada, garaac ama dareen kabaabyo oo gacmahah iyo lugaha hoose. Dhibaatooyinkaas wax lagaga hortegi karaa fitamiinka B6- oo la raaciyo daawada.

Isticmaalka khamriga mudada daawada qaaxadu socoto waxa ay kordhisaa khatarta cudurka jooniska. Sababtaas awgeed waxa muhiima, in aan la cabbin khamriga haba yaraatee mudada daawadu socoto.