Qaaxada Adkaysiga u yeelatay Daawada

Waa maxay qaaxada Adkaysiga u yeelatay daawada?

Qaaxada daawada u adkaysatay waxa sababa jeermiga mycobacteria oo adkaysi u yeesha daawooyinka. Marka la soo gaabiyao kelmadda MDR-TB oo ah qaaxad dawooyinka adkysiga u leh waxa ay ka timid kelmadaha Ingriisiga ah (Multidrug-resistant Tuberculosis). Daaawoyinka muhiimka ah ee waxtarka u ah daawaynta qaaxada, rifampicin iyo isoniazid, looma isticmaali karo noocan adkaysiga leh.

Haddii qaaxadu ay sidoo kale adkaysi u leedahay dawooyinka kale ee qaaxada oo loo yaqaano fluorquinolones, waxa loo yaqaanaa pre-XDR-tuberculosis.

XDR-TB (extensively drug resistant-tuberculosis), tusaale ahaan haddii ay jirto adkaysiga daawada oo aad u ballaadhan waxa ay adkaysi u leedahay daawooyinka bedaquiline iyo/ama linezolid kuwaas oo dheeraad ku ah kuwa hor loo sheegay.

Halkee baan ka qaadi karaa qaaxada adkaysiga u leh daawooyinka?

Qaaxadu markasta waxa ay u faaftaa si isku mida, waxa gudbisa hawada, Infegshanka waxa faafiya qofka u buka qaaxda adkaysiga leh (MDR-TB).

Qaaxada adkaysiga u leh daawooyinka waxa ay ku badan tahay wadamada ay hoosayso in uu qofku helo adeega baadhitaanka qaaxada, daawoyinka ama ay liidato fursadda daaweyntu.

Waqtiyada qaarkood, waxa jirta in cudurka qaaxada oo asal ahaan u nuglaa daawooyinka uu adkaysi u yeesho daawooyinka rifampicin iyo isoniazid waqtiga daawadu socoto. Taasi waxa ay dhici kartaa haddii daawada qaaxada loo qaato si aan joogto ahaynama ku lug leh nasasho soo noqnoqda ama dheer.

Qaaxada adkaysiga u leh daawooyinka waxa ay ka jirtaa adoonka oo dhan. Qiyaastii nus dadka qaba waxa ay ku noolyihii Hindia, China iyo Federaaalka Ruushka. Tirada cudurka qaaxada daawooyinka u adkaysata waxa ay aad ug badan tahay Gobolkaa, WHO ee Yurub (Hay’ada Caafimaadka addunka ee Gobolka Yurub) intabadan waa wadamada Yurub ee ka baxasan EU/EEA.

Finland gudaheega qaaxada Daawooyinka adkaysiga u lihi waa naadir: In yar oo xaalado ah qaaxada daawooyinka adkaysiga u leh ayaa la helaa sanad kasta iyo waxa jiray hal xaalad oo qudha oo ah qaaxada adakysiga durugsan (pre-XDR iyo XDR-TB) sanadka 2010 iyo 2020.

Sidee baa loo daaweeyaa qaaxada dawooyinka adkaysiga u leh?

Qaaxada Adkaysiga u leh daawooyinka u leh waxa lagu daaweeyaa dhawr daawo, daawayntuna waxa ay soconaysaa muddo dheer. Bilawga 5-7 daawo oo kala duwan ayaa loo baahan yahay. Laakiin haddii daawadu gadaal ka bilawdo in ay waxtarto, tirada daawooyinka waxa lagu soo koobi karaa 4-5. Ujeeddadu markasta waa in la sugo daawooyinka maka la isku dhafo, ta ugu waxtar badan bukaan kasta gaarkiisa. Dhaqtarka daawaynaaya bukaanka waxa caawiya kooxda heer qaran oo ah khubarada daawaynta qaaxada, kuwaas oo talo ka bixiya isku dhafka daawooyinka.

Daaweynta qaaxada daawooyinka adkaysiga u lehi waxa ay sababaan dhibaatooyin, bukaanka waxa la siin doonaa macluumaad iyo talooyin si isagu ula socdo xaaladdiisa. Dhibaatooyinka daawada waxa loo sahli karaa siyaabo badan. Waqtiyada mararka qaar daawada keenta dhibaato adag ayaa la joojin karaa.

Daawaynta qaaxada daawooyinka u adkaystay waxa la wadaa muddo laba sannadooda. Mararka qaar daawooyinkoo qudhi kuma filna oo waxa loo baahdaa in qalliin la sameeyo.

MDR-TB ma laga daweyn karaa?

Sida qudha ee lagaga bogsan karaa qaaxada adkaysiga u leh daawooyinka in qofku uu foojignaada, daawooyinka malinkasta la qaadanaay. Taas waxa kaa taageeraya qof u tababaran oo kormeera qaadashada daawada qaaxada oo la socda wixii daawadu dhibaato yeelankarto.

Natiijada daawaynta qaaxada adkeysiga u leh daawooyinka waxay ku xidhan tahay arimo badan, adkaysiga nooca jeermiga qaaxada, da’da iyo haddii ay cuduro kale hayaan bukaanka iyo sidii uu bukaanka u xamili karo daawooyinka qaaxada, dhammaan xaaldanhani waxa ay raad ku yeelanayaan natiijada daawaynta. Daawaynta qaaxada adkaysiga u leh ayaa inta badan guuldaraysta marka loo eego qaaxada daawaynta qaaxada caadiga ah, sababta oo ah daawooyinka la qaadanayo waxtarkoodu yar yahay; iyo muddada dheer ee daawayntu socoto oo sahlaysa in dhibaatooyin ay daawadu keento.

Daawooyin cusub oo waxatara ayaa loo baahan yahay si loo daaweeyo qaaxada adkaysiga u leh daawooyinka kuwaas oo lagu talo jiro in la soo saaro heer caalamiya.