Qaaxada qaadisteeda iyo Cudurka qaaxada

mimmi

Qof waliba uma bukoodo cuduka qaaxada xataa haddii uu la kulmi jiray qof qaba xanuunka qaaxada ee fida.

Cudurka qaaxada si dhib yar uma gudbo. Saddex-meelood meel keliya dadka xidhiidh dhow la yeeshay qof qaba TB-da faafa ayaa qaadsiiya.

Qof kasta oo xanuunka la kulmaa u bukoon maayo cudurka qaaxada.

Sida loo badan yahay tusaale ahaan, tobankii qof ee xanuunka la kulma, sagaal ka mid ahi weligoodna ma qaadaan xanuunka qaaxada. Jeerimiga  qaaxada ayaa ku jira jidhkooda isaga oo qarsoon (Latent Tuberculosis infection: LTBI). Qaxada noocaasi ma laha calaamado, lamana kala qaadayo, mana faafayso, umana  gudbinyaan jeermiga dadka kale.

Si kastaba ha ahaatee, haddii jeermigu noqdo mid firfircoon oo jidhka  gudihiisa uu bilaabo in uu bato, qaaxadii  sadowga ahayd waxa ay isku bedelaysaa cudrukii qaaxada.

Xaladaas qofku wuu bukaa xanuunkuna waxa uu gudbi karaa dadka kale ee waqtigaa la jooga qofkan buka.

Dadka la kulma cudurka qaaxada tobankii qofba hal ayaa qaada cudurka qaaxada. Dadkaas nus ka mid ahi waxa ay yeelanayaan calaamadaha qaaxada muddo laba sano ah laga bilaabo waqtigii ay la kulmeen qaaxada, nuska kalana waxa ay qaadayaan waqti dambe noloshooda.

Caruurta yaryar, dadka waawayn iyo kuwa daafacooga jidku ay daciifiyeen cuduradu, ama daawooyin ay qaataan ayaa aad ugu nugul in ay qaadaan cudurka qaaxada.

100/30 LTBI (qaaxada dahsoon) 3 ayaa u bukooda cudurka qaaxada.
100/30 LTBI (qaaxada dahsoon) 3 ayaa u bukooda cudurka qaaxada.