Cudurka qaaxada waxa gudbiya qofka kale tiiyoo cudurku raacayo hawada, nasiib wanaag qaaxadu si fudud kuma fido. Haddii si fiican loo daaweeyana waxa yaraanaya in ay u gudubto qof kale.
Jeermiga Qaaxadu waxa uu ku faafa hawada marka, qof qaba xunuunka qaaxadu oo sambabka ama dhuunta uu hadlo ama heeso ama qufaco ama hindhiso. Haddii qof kale uu la joogo isla goob ama qol gudihiis, qofka la joogaa waxa u qaadi karaa bagteeriyada ku jirta hawada, sidaas ayaanu ku noqn karaa qof sadhaysan.
Qaaxada si dhibyar looma kala qaado. Dadka ah qoys meel ku wada nool ayaa khatarta ugu badan ku jira. Khatarta faafinta cudurka aad bay u yar tahay marka dadku aysan wada noolayn. Kaliya saddex meelood meel dadka la kashifay ayaa cudurka qaaday.
Qaxada laguma kala qaado weelka wax lagu cuno, cabidda, cuntada oo la wada cuno, dharka iyo agabka dushiisa.
Waxa khatarta yarayn kara haddii qofka bukaa uu degdeg u doonto adeeg caafimaad. Waa in ay raacaan talooyinka daryeelka. Waa in ay daawaynta si fiican u raacaan. In la barto habka loo qufacaayo oo badbaadin karta in jeermigu hawada raaco. Daaqadda oo la furo ayaa si wax-ku-oola u yarayn karta tirada jeermiga, qolka gudihiisa u jirta. Debedda wax khatar ah oo la taaban karo oo in la isku gudbiyo ihi majirto.