Sidee ku qaadi kartaa Qaaxo?

[palaa]

saada

Qaaxo waxaa sababa bakteeriyada Qaaxada. Hawada ayay ku fidaa oo qof ilaa qof kale ayay u kala gudubtaa. Qof Qaaxadu kujirto sambabkiisa hawada wuxuu kusii dayn karaa bakteeriyada marka uu qufaco, uu hadlo ama hindhiso. Hadii aad u dhowdahay waxaad jiidi kartaa bakteeriyadaas oo sidaa ayaad ku qaadi kartaa.

Qaaxo si fudud ayaad ku qaadi kartaa, hadii caafimaadkaagu liito, hadii miisaan badan uu kaa lumay raashinka oo kugu yar cunidiisa maadaama aadan haysan in badan oo raashin ah ama aad qabto HIV.

Qalad aad gashay maahan hadii Qaaxo kugu dhacdo. Qaaxo ruuxaan caraysan ma sababto. Ma ahan ciqaab dadka loo mariyo camal xun oo ay sameeyeen mana ahan cudur si dhaxal ah kuyimaada.

Suaalo iyo jawaabo

Qaaxo ma ka qaadi karaa qaadooyin iyo koobab, ama hadii aan wax ku cabbo dhalo qof Qaaxo qaba uu wax ku cabbay.

Maya sidaa kuma qaadi kartid maadaama bakteeriyada ay keeni karto Qaaxo hadii la liqo.

Ma qaadi karaa Qaaxo hadii aan ku seexdo sariir wax yar ka hor uu ku jiifay qof Qaaxo qaba?

Maya hadii qofkaasi uusan weli ku jirin isla qolkaa sariirtu taalo. Bakteeriyada ku dhaggan go’yaasha hawada ma galayso hadii aad hurgufto go’yaasha. Taasina waa sababta aysan sankaaga u gali karin marka aad neefsanayso.

Qaaxo ma qaadi karaa hadii aan kujiro bas hadii aan fariisto meel u dhow qof qufacaya?

Waa inaadan ka baqin isticmaalida basaska ama tareenada Qaaxo darteed. Qaaxo si fudud kuma fido. Qaaxo waxaad ku qaadi kartaa in aad saacado ag joogto qof Qaaxo qaba. Waa inaad ka yara fogaato qof qufacaya aadna gacmaha dhaqato markaad baska ka dagto. Qofka qufacaya wuxuu qabi karaa hargab kaasoo si fudud asagu ku fida.

Qaaxo ma qaadi karaa hadii qaar ka mid ah qaraabadayda ay ii yimaadaan si ay iila noolaadaan isla markaana ay aad u qufacayaan?

Haa waad qaadi kartaa hadii qofku qabo Qaaxo. Hadii qofka qaraabada aad tihiin uu aad u qufacaayay muddo dheer, baaritaan u wad. Sidaas ayaad ku ogaanaysaa sababta keeneysa qufaciisa.

Ma qaadi karaa qaaxo anoo qof u galmoonaya?

Kama qaadi kartid Qaaxo galmo ama shumis. Si kastaba ha ahaatee, hadii qofka aad isu galmootaan had iyo jeer uu aad muddo u qufacaayay wuxuu qabi karaa Qaaxo. Hadii muddo dheer aad wada joogtaan waxaa macquul ah inaad qaado Qaaxo. Hadii qofka aad isu galmootaan uu qaadanayo daawada Qaaxada  waad isu galmoon kartaan. Bukaan qaba Qaaxo oo si joogto ah daawo u qaata ma gudbinaayo cudurka.

[laatikko_footer]