Tani ma dhici kartaa inay Qaaxo tahay?

[palaa]

pieni_kuva-300x2502

Haa way awoodaa. Caadiyan qufaca waxaa sababa wax caam ah sida sigaarka oo la cabbo ama hargab. Hadii qof uu qufac hayo 3 asbuuc uuna tufayo xaako ama xaako dhiig leh Qaaxo ayuu qabi karaa.

Qaaxo aad ayay caam u tahay, hadii

  • aad ka soo jeedo wadan Qaaxadu ku badan tahay sida wadamada koofurta ka xiga Saxaraha Afrika, Bartamaha Asia ama qeybaha kale ee Asia
  • aad ka timid goob dagaal
  • Qaaxo aad horay u qabi jirtay
  • Qaaxo uu qabo qof ka tirsan qoyskaaga ama saaxiib aad aad saaxiibo u tihiin

aad u safartay Finland aadna joogtay muddo dheer meel dad badan oo qaxooti kale ah ay joogeen, sida konteenaro, xerooyin iwm.

Hadii ay kula tahay inaad qabto Qaaxo, isasoo baar. Ha ka baqin baaritaanka.

Dhib malahan hadii baaritaanadu muujiyaan inaad qabto hargab. Marmar asaga qudhiisu wuxuu u baahan yahay daaweyn.

[laatikko_footer]