Haa. Waa suurtagal in la daawaeeyo qofka la kulma bakteriada qaaxada. Finland waxa daawooyin la siiyaa dadka bakteriada qaaxada la kulmay oo la noolaad dad qaba cudurka qaaxada kuwaas oo da’doodu ay yartay 16 sanadood. Daawada waxa kale oo la siin karaa qaar ka mida dadka waawayn tiiyo ku xidhan kolba talooyinka haya’da caafimaadka.
FAQ Category: Fafida qaaxada
Transmission of TB SO
Majiraa baadhitaan lagu cadayn karo in qaaxada aad qaaday.
Majiro baadhitaan fiican oo qudha si loo ogaado in qofku la kulmay bakteriada qaaxada. Laba baadhitaan ayaa la isticmaalaa oo jidhka lagu mudo (Mantoux Tuberculin oo jidhka lagu tijaabiyo TST) iyo Baadhitaanka dhiiga (IGRA). Badhitaanadan waxa la isticmaalaa kolba sida talada heer qaran ay tilmaamayso.
Mayuu qofasta oo la kulmay bukaan qaaxa qaba uu qaada cudurka qaaxada?
Maya. Cudurka qaaxada si dhibyar looma kala qaado, sedexdii qofba hal qof oo ka mida dadka mudo dheer la noolaa ama la degenaa qof qaba cudurka qaaxada ee la isku gudbin karo ayaa qaada cudrua qaaxada. Xubanha qoyska meel kuwada nool ay ah kuwa khatarta ugu badan ugu kujira inay qaadaan. Qayb ka mida dadka la kulmay cudurka qaaxada ayuun baa uu ku dhici karaa.
Bukaanada cudurka qaaxada oo dhami ma faafin karaan cudurka?
Maya, sida la ogyahay waxa qudha ee faafin karaa waa qofka qaba cudura qaaxada sambabka. Qofa bukaa waxa uu si dhibyar u faafin karaa qaaxada hadii isagu/iyadu uu qabo qaaxada qodatada oo sambaba godad u samaayso ama hadii xaakada lag helay bakteriada.
Miyaan qaadayaa cudurka hadii la isticmaalo gaadiidka dadwaynaha qof qaba qaaxada sambabka?
Waxa khatar ah oo in cudura la qaadayo majirto hadii a tahay kulan marmara ama sarfar gaaban mar kelya oo buska ama treenka. Khatartu wax ay badanaysaa hadii aad caadaysatid isla bus ama treen oo aad la raacidid qof buka ama isla dayaarad. Hadii aad isla dayaarad la raacdo qof qaba cudurka, safarkuna qaadanaaya mudo ka badan 8 saacadood ama ka badan ayaa khatartu badantay marka loo eego duulimaadiyada mudadoodu gaabaantay. Maamulka masu’uulka ka ah cudurada faafa cadayn kara dadkaas kuwa ay ahaayeen oo lana xidhiidhi kara.
Miyaa qaadayaa curdurka hadii qofka qaba qaxda, gacan qaado ama aan laabata u qabto?
May. Qaaxadu kuma fido taabashada iyo in jidhku istaabto. Qoraalka sare eeg sidee ayay qaaxadu u faaftaa?
Curdurka ma qaadayaa hadii aan nadiifiyo guriga bukaan isbitaalka loo dhigay qaaxada?
Qaaxada laguma kala qaado weelka waxa lagu wada cuno, cabitaanka, cuntada, dharka iyo taabashada gooba ka mida guriga. Bakteriada qaaxada waxa ay gashaa hawada marka qof qaba qaaxada sambabka uu qufaco, hindiso ama uu heeso. Dadka kale ee kula nool isla goob gudaha ah sida (isla qol ama guri) ayaa bakteriadu u gudbi kartaa sambabkooda, marka ay hawdan neefsadaan ayay qaadayaan cudurka. Marka qofa bukaa ka baxo qolka, bakteriadu weli waxa ay ku sii jirtaa hawada qolka mudo saacado ah. Khaas ahaan meelaha aan hawada loo furin. Hadii qofka bukaa ka baxo qolka saacado badan horteed oo qolkan hawada loo furay khatartu qaaxadu way ka yaraanaysaa qofka nadiifinaaya qolka.
Sideebay qaaxadu u faaftaa?
Qaaxadu waxa ay u faaftaa qof ilaa qof kale iyadoo hawada raacaysa. Bagteriada qaaxada wax ay gashaa hawada marka qofka qaba qaaxada sambabka uu hadlo, qufaco, hindhiso ama uu heeso. Dadka kale ee qolka kula jira waxa soo gaadhaysa bakteriada sambabadooda marka ay neefsadaan hawada deedna cudurka ayay la kulmayaan. Xubnaha qoyska ee meel kuwada nool ayaa ayaa intabadan cudurka qaada.